Warbaahinta Israel oo markii 2-aad qortay inay Madaxtooyada Somalia waddo qorshe lagu yagleelayo xiriir dhexsada Somalia-Israel

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2022 – Afhayeen u hadlay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegay in xukuumadda lagu wado in ay baarlamaanka kala tashato suurtagalnimada xiriir diblomaasiyadeed oo lala yeesho Israa’iil, sida ay mar kale ku warrantay Warbaahinta Cibraaniga ee Israel.

Wararkan oo ay faafiyeen hilinnada wareed ee Channel 12 iyo Kan News ayaan se weli la xaqiijin karin.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa bishii hore sheegtay in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhowaan xiriirro la sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil xilli uu safar ku joogey Imaaraadka Carabta, isagoo xitaa u duulay Israa’iil, sida lagu sheegay warbixin waloow warkaa la beeniyey.

XSHM ayaa si qarsoodi ah ula kulmay RW ee Benjamin Netanyahu ee Israel 2016-kii, isagoo ku jirey muddo-xileedkii 1-aad ee dhamaaday horraantii 2017-kii.

Markii dib loo doortay bishii Maajo, ayuu diblomaasi Soomaaliyeed oo aad ugu dhow Maxamuud waxa uu u sheegay The Times of Israel in ku soo laabashadiisa xukunku ay tahay mid keeni karta in horumar wanaagsan oo ku aaddan caadiyaynta xiriirka Somalia iyo Israel.

Somalia ayaan abid xiriir la yeelanin Israel oo aysan sidoo kale aqoonsanayn.

Hadalsame Media