FALANQAYN: Saamaynta ay bankiyada qalaad ku yeelan karaan suuqa maaliyadeed ee dalka Somalia

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2022 – Bangiyada oo ah kuwa ugu muhiimsan nidaamka maaliyadeed waxa ay kamid yihiin matoorrada dhaqaajiya ama keena hormarka dhaqaale ee dalkasta. Bangiyada Soomaaliya ayaa ah qaybta ugu muhiimsan hananka maaliyadeed ee dalka isla markaasne kaalin weyn ka ciyaara kobaca dhaqaale. 

Horumarka dhaqaale ee dalku sameeyay 10-kii sano ee la soo dhaafay iyo horumarka baahsan ay sameeyeen bangiyada gudaha dalka ayaa suuqa maaliyadeed ee Soomaaliya ka dhigay mid soo jiita indhaha caalamka isla markaasne sababay in bangiyada ajaanibtu ay faa`ido ka soo raadiyaan.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha Bunuugta Shisheeyaha u hayaan Suuqa Maaliyaded Soomaaliya, ayaa waxaa la is weydiinayaa saameynta ay Bangiyada Shisheeye ku yeelan karaan dhaqaalaha dalka iyo Bangiyada gudaha.

Waa maxay sababta dalalku ugu ogolaadaan bangiyada shisheeye inay ka shaqeeyaan dalalkooda?

Sababaha keenay in bangiyada ajnabiga ah uga shaqeeyaan wadamada kale waxaa ka mid ah;

  1. Adeegyada maaliyadeed oo noqday kuwo caalami ah oo ka gudbay xuduudaha.

2. Iyadoo la khafiifiyay ama meesha laga saaray siyaasadihii xannibaadaha saarayay raasumaalka shisheeye (lacagaha shisheeyay si fudud ayey dalka looo keeni karaa hadii ay ka qeyb qaadaneyso maalgelinta dalka).

3. Dhibaatooyinka dhaqaale ee adduunka kadhacay (1929 iyo 2008) isla markaasne ay hormuudka ka ahaayeen bankiyada gudaha, waxa ay sahashay in bankiyada shisheeye si fudud u soo galaan waddamada si ay uga qayb qaataan xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalalkas.

4. Xiirka dhaqaale ee ka dhaxeeya dalka laga leeyahay bankiga iyo dalka laga furayo bankiga oo ah mid xoogan, hadafka laga leeyahayne aytahay in xiriirka ganacsi iyo maalgelinada ka jira dalalkaas dhaxdooda sare loo qaado.

Sababaha ay u daneynayaan bangiyada shisheeye suuqa maaliyadeed Soomaaliya;

1. Dib u soo gabashada ay Sameysay Soomaaliya 9-kii Sano ee la soo dhaafay ( 2013-2021).

Sida kamuuqata Chartka dhaqaalaha dalka sanadkii 2013`kii waxa uu ahaa (4bilyan) halka sanadkii lasoo dhaafay ee 2021 uu noqday 7 bilyan. Waa kobac dhaqaale oo aad u hooseeya marka loo fiiriyo wakhtiga la heestay oo 9 sano ahaa iyo hormarka yare e la agaaray.

2. kobaca dhaqaale ee hada jira oo ah mid wanaagsan iyo midka suurta galka oo ay Soomaaliya gaari kartoo mustaqbalka dhow oo aad u sareeya.

4. Hormarada iyo dib u habeynada wanaagsan ee dhawaanahaan laga sameeyay dhanka sectorska bankiyada Soomaliya.

5. Banka dhexe ee Soomaaliya oo hormariyay Xerarka iyo nidaamyada Maaliyadeed ee lagu maamulayo bankiyda dalka iyo kuwa ajaanibta. 

Faa’idooyinka ay bankiyada ajaanibta ah ay u keeni karaan suuqa maaliyadeed ee Soomaaliya. 

1. Waxa ay sabab u noqonayan in uu kordho tartanada bankiyada dhaxdooda ah ( Bankiyada dalka iyo kuwo shisheeye) taas oo keeneysa in adeegyada maaliyadeed ee labixinayo ay noqdaan kuwo tayo sare leh. 

2. Waxa ka qeyb qaadanayaan dadaalada lagu kobcinayo aqoonta maaliyadeed ee bulshada)

3. Waxa ay dhiira gelinayaan in xeerarka nidaamyada maaliyadeed ee dalka si wanaagsan loo sii hormariyo.

4. Waxa ay fudeydinayaan in lacagaha caalamiga ah ay dalka si fudud usoo gaari karaan.

5. Waxa ay gacan ka geysanayaan maalgelinta mashruucyada dalka gudahiisa ka socda.

6. Waxa ay gacan ka geysanayaan kordhinta xajmiga ganacsi ee ka dahxeeya dalka laga leeyahay iyo Soomaaliya.

7. Waxa ay ka qeyb qaadanayaa shaqa abuurka dhalinyarada dalka ay ka howlgalayaan.

8. Waxa ay bankiyada gudaha uga faa`ideyna keydkooda aqooneed madama ka qibrad badanyihiin.

9. Waxa ay suuqa maaliyada Soomaaliya kusoo kordhin karaan adeegyo maaliyadeed oo cusub iyo agab tiknoolajiyad ee aan horay uga jirin suuqa.

10. Waxa ay dowlada, Shirkadaha iyo Bankiyada gudaha la yeelanayaa hishiisyo kor loogu qaadayo maalgelinta gudaha isla markaasne kobcinaya dhaqaalaha dalka.

Cilladaha suurtagalka ah oo ay lahaan karaan bankiyada ajaanibtu.

1.Waxaa Suurta gal ah sidii horay loo soo arkay oo kale in Xiliyada dhibaatada dhaqaale ay dalka ka jirta in ay shaqada joojiyaan oo ay dalka isaga baxaan.

FG: Waxaa looga baahanyahay waqtiyadaan oo kale in ay xalka la raadiyaan dadkii iyo dowladiii soo dhoweysay oo lacagahoda ku aaminay si dhibaatada dhaqaale meesha looga saaro.

2. Waxaa suurtagal ah in ayagoo ka faa`ideysanaya magaca iyo miiskanka ay markaas leeyihiin in ay dad kooban oo bulshada kamid ah u adeegaan iyagoo dadka kalana u diidaya adeega ay ubaahanyihiin.

3. Waxaa suurta gal in ganacsiyada yaryar ee dalka ka jira u diidaan meelgelinta ay u baahanyihiin.

4. Waxaa suurta gal in iyadoo laga faa`ideysanaya awood la`aanta heysata Soomaaliya in bankiyadaan dowladaha shisheeye qaarkood soomaarsadaan lacago siyaasad ahaan iyo amni ahaan dalka dhibaato loogu geysanayo.

FG: Nidaamka maaliyadeed ee dalka oo ay hugaaminayaan Banka dhexe iyo Wasaarada Maaliyada waxaa laga rabaa in ay kasii baaran dagaan sida ay uga hortagi lahaayeen hadii qodobkaan 4`aad. 

Aqoondarada Maaliyadeed ee Bulshada Soomaaliyadeed heysata. 

Bulshada Soomaalida oo ay aad u hooseyso aqoontooda maaliyadeed isla markaasna anan weli si fiican u la jaan qaadin nidaamka bankiyada dalka ayaan weli fahamsaneyn muhiimda ay leedahay ka faa`ideysiga adeegyada maaliyada iyo sida qofka shaqsiga ah hormarkiisa ay uga qeybqataan. 

Bulshada Soomaaliyeed waqti xaadirkaan inta ka faa`ideysato adeega bankiyada ayaa aad u yar marka la fiiriyo inta aan weli iskudayin in ay ka faa`ideystaan. 

inta waqti xaadirkaan ka faa`ideysaneysa adeegayada maaliyadeed oo ay bixiyaan bankiyada dalka ayaa waxaa heysata aqoon daro baahsan oo dhanka aqoonta maaliyada ah.

Macaamiisha Soomaalida ee bankiyada iyo Mamaamulyaasha bankiyada ayaa isku dhiban dhanka isfahamsiinta adeegyada maaliyada. Tusaale waxaa la arkaa in qofk macaamilka ah uusanba siwanaagsan u fahamsaneyn nidaamka deyn qaadashada iyo habka ugu sahlan ee uu u bixin lahaa. sidaas oo kale inta badan qofka macaamilka ah qorshihii uu ku bixin lahaa deynta uma degsana, deynta la qaato waxa ay ubadantahay iska qaado waad iska bixin kartaaye taasne waxaa u sabab ah in uusan qofka macaamilka ah uusan laheyn qorsho sax ah ee uu ku maareeyo dakhliga soo gala iyo qarashaadka kabaxa.

Waxaa la arkaa in qofka macaamilka ah in mudada loo qabtay deyn celinta marna uu wakhtigeedi ku bixiyo marna uu kasoo daaho marka kalane uu kasoo hordhaco. Sidaas oo kale bulshada Soomaalida waxaa aad ugu yar dhaqanka wax keydsashada taas oo ka dhigeysa bulsho aan u adkeysan karin xaladaha sida degdega ah usoo waajayaha. ugu dambeyntii bulshada Soomaalida oo 31 sano ku jirta xaalad jahwareer ah ayaan intooda badan laheyn hal abuur sabab u noqon kara maalgelin guuleysata. Maalgelin guuleysata oo lawaayana waa deyntii bankiga dib u bixinteeda oo ad kaata. 

Sidaas aawadeed aqoondaradaas baahsan ee ka jirta dhanka aqoonta maaliyada waxa ay keeneysaa in bankiyada ajaanibtu ku adkaato in ay mudada dhow hadafka ay kalahaayeen suuqa maaliyada Soomaaliya ay gaari wayaan.

waxa ay keeneysaa in bankiyada ajaanibta u adkeysan waayaan hananka deyn-celinta macaamiisha qaar sidaas darteedne ay go`aansadaan in ay u adeegaan keliya bulshada qeyb ka mid ah. 

FG. Sidaas darteed si looga baaqsado dhibaatada ay keeni karto aqoon la`aanta maaliyadeed waa in bankiyada gudaha iyo kuwa ajaanibta ee xarumahooda ka furan doona Soomaaliya ay isku dayaan in ay kordhiyaan wacyiga lagu kordhinayo aqoonta maaliyadeed ee bulshada Soomaalida. 

Waa maxay Aqoonta Maaliyadeed (Financial Literacy)? Waa in shakhsiyaadku aqoon u lahaadaan fikradaha maaliyadeed ee muhiimka ah sida samaynta miisaaniyad (budgeting), habka wax loo keydsado ( saving), deyn qaadashada (borrowing) iyo maalgashiga (investing) isla markaasne aqoontaas isticmaalaan marka ay gaarayaan go’aanadooda maaliyadeed.

Maxay muhiim u tahay aqoonta maaliyadeed (Financial Literacy)?  

Barashada habka loo dejiyo miisaaniyad; in qofku fahamo sida dakhligiisa ula xidhiidho kharashaadka kabaxaya ayaa kaa caawin kara in uu iska ilaaliyo in deyn badan ku aruurto mustaqbalka. 

Waa maxay faa’iidooyinka ay leedahay in la yeesho xirfado aqoon maaliyadeed? 

Aqoonta maaliyadeed waxay qofka u ogolaanaysaa in uu yeesho aragti wax tar u leh oo uu ku wajihi karo aduunka maanta aan ku noolnahay, Aqoonta maaliyadeed waxa ay qofka u kordhineysaa karti uu uga baarandegi karo xalada dhabta ah ee dhaqaale ee markaas jirta. Aqoonta maaliyadeed waxa uu qofku kadhaxli karaa xirfad u horseedeyso in aad wax keydsado.  

Gunaanad

Bankiyadu matoorka ay ku shaqeeyaan waa lacagaha dadka ay dhigtaan (deposits made by savers). Sidaas darteed waxaa muhiim ah in tilaabo dheeri ah la qaado, lana adkeeyo xeerarka iyo sharciyada lagu dabaqayo bangiyada ajaanibta si loo ilaaliyo loona kordhiyo badqabka lacagaha dadka muwaadiniinta ah dhiganayaan bangiyadaan. 

Sidaas oo kale waxaa muhiim in aan la ogaalnin tartanada qaar ee dhaawaca u geysan kara ama keeni kara in bangiyada dalka musalafaan oo ay isku dhibaan bangiyada shisheeye.

Marka laga soo tago qaar ka mid ah hal-abuurada iyo hormarada ay dalka ku soo kordhin karaan bangiyada ajnabiga hadane waa in aan la iska indha tirin in ay yihiin kuwa ugu horeeyo oo lacagahooda dalka kala baxaya marka ay dalka ka dareemaan dhibaato dhaqaale waayo lacagaha ay ku shaqeynayaan bangiyada ajaanibta ah waxaa iska leh dadyow kale marka laga reebo lacagaha ay dalka gudihiisa ka aruuriyeen. Marka hadii xajmiga iyo saameynta ay suuqyada maaliyada Soomaaliya ku leeyihiin uu kordho waxa ay ka dhigantahay mustaqbalkana suuqaas in uu dhibaato dhaqaale oo wayn soo wejihi karto hadii aan si wanaagsan loo xakameyn wakhti xadirkaan. hadii suuqa maaliyadeed wax soo garaan oo ay dalka lacag badan laga saaro waxaa dhanka kale dhibaato weyn la kulmaya suuqyada badeecada iyo adeega ee Soomaaliya sicirbararka dhalan doona awadeed. Waxa ayna kusoo gabgaboobi doontaa in dadku baahi iyo faqri lasoo deristo. 

FG: Maqaalkaan ma ahan mid moowduuci ah, waa mid ku saleysan aragtideyda shakhsiga ah

W; D: Dr Saadaq Maxamuud Xasan

Hadalsame Media

Facebook Comments