Xog kasoo baxday haybta ninka weerarka ku qaaday dadka Maraykanka ku dabbaaldegayey + Sawirro

0

(Chicago) 04 Luulyo 2022 – Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay, labaatameeyo kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday dhoollatus lagu xusayey Maalinta Xorriyadda oo ka dhacayey duleedka magaalada Chicago, sida ay sheegeen saraakiisha magaalada Highland Park ee dalka Maraykanka, iyadoo mas’uuliyiintu ay wadaan baadigoobka tuhmanaha.

Saraakiisha ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen gelinkii dambe waxa ay ku sheegeen in 6 qofi ay dhinteen, 24 kalena loo qaaday isbitaal, waxaana goobta laga soo helay qori.

“Bulshadeenna waxaa lagu argagixiyay fal gacan ka hadal ah oo si qoto dheer noo gilgiley. Qalbiyadeennu waxay la jiraan qoysaska dhibbanayaasha inta lagu jiro waqtigan xun,” ayuu si qiiraysan u yiri Duqa Highland Park Nancy Rotering oo u warrantay suxufiyiinta.

Taliyaha Booliiska ee magaalada Chris O’Neill, oo sidoo kale ah taliyaha dhacdada oo goobta ku sugnaa, ayaa dadka ku boorriyey inay meelohooda ku jiraan inta ay maamulku raadinayaan tuhmanaha, oo lagu tilmaamay inuu yahay nin cad oo xiran funaanad cad ama buluug ah iyadoo la rumaysan yahay in da’diisu tahay 18 ilaa 20 sano jir.

Hadalsame Media