Maxaa isu keenay Kalluun & Bariis? Wax ka baro 3 faa’iido oo ku jirta + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Marka bariiska la beerayo wuxuu u baahan yahay inuu marwalba biyo ku dhexjiro, dabadeed caqabad kale ayaa ka hor timi beeraleyda bariiska oo ah inay biyaha ka dhex dhasheen cayayaano yar-yar oo xaalufinaya dalaggii bariiska ahaa.

Si mushkiladdaas loo xaliyo ayey beerlayeda indonesia keeneen qorshe ah in biyaha lagu dhex xanaaneeyo nooc kalluunka kamid ah oo si degdeg ah u tarmi kara..sidaas ayey waxay ku heleen saddex faa’ido:

1 – Kalluunka (malayga) ee lagu dhex abuuray biyaha wuxuu cunayaa cayayaankii dhibaatada ku hayey dalagga bariiska.

2 – kalluunku wuxuu ku saxaroonayaa carrada sidaasna carradii waxay ku helaysaa nafaqo.

3 – Beeraleydu waxay ka helayaan biyaha dhexdooda kalluun ay dabtaan.

Fikraddan markay dhaqan geliyeen wax soo saarkii bariiska ayaa kor u kacay 20%, sidoo kale beeraleydu waxay heleen kalluun lacag la’ aan ah oo ay uga maarmeen inay hilib suuqa ka soo iibsadaan.

W; D: Mustaf Awil Hassan

Hadalsame Media