Arrin lagu maamuusayo Hodan Naalleeye oo laga samaynayo dalka Tanzania & lacag loo ururinayo qorshe… + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2022 – Koox dhallinyaro ah oo xirfadlayaal ah ayaa qorshaynaya inay u baxaan figta ugu sarreesya Buurta Afrika ugu dheer ee Mt. Kilimanjaro, taas oo lagu maamuusayo saxafiyaddii Somali-Canadian-ka ahayd ee la diley, Hodan Nayaleh.

Socodka waxaa soo qaban qaabiyey Dega Nayaleh, oo ah Hodan walaasheed iyo Maamule ka tirsan Bank of America Private Bank ee Los Angeles, California, Maraykanka.

Shan iyo toban qof – oo u badan Maraykan, laakiin sidoo kale ay ku jiraan Canadian iyo British – ayaa qorshaynaya inay soo taabtaan figta sare oo ah 19,341 oo cagood, waxay sidoo kale ururin doonaan lacag dhan $ 320,000 oo Doollar oo lagu caawiyo ​​​​carruurta reer guuraaga ah, xoola-dhaqatada iyo kuwa kale ee aan dugsiyada dhigan ee woqooyiga Somalia (Somaliland).

Kooxdu ilaa hadda waxa ay ururisay in ka badan $233,000 oo Doollar, laakiin waxa ay rajaynaysaa in ay gaaraan yoolkooda oo ah lacagta aannu sare kusoo sheegnay.

Lacagtu waxay aadi doontaa hay’adda aan macaash doonka ahayn ee lagu aasaasay Maraykanka ee Give to Learn to Grow foundation, si loogu taageero bulshooyinka aan helaynin fursado waxbarasho oo kaafin kara.

Ururkan samafalka ahi waxa uu gacanta ku hayaa laba dugsi oo kala ah Dugsiga Axmed Siciid Nayaleh (Dugsiga Jaallaha ah) iyo Dugsiga Khadiija Cabdi Laangadhe (Dugsiga Buluuga iyo Cadaanka) ee Somaliland.

Waxaana lacagtan lagu kharash garayn doonaa in labada dugsi si loogu dhiso shaybaarka kombuyuutarrada si loo xakameeyo farqiga dhijitaalka ah oo ardayda loogu diyaariyo casrigan macluumaadka.

Shaybaarka kumbuyuutarka waxaa loogu magacdari doonaa Hodan Nayaleh.

Hadalsame Media