Xildhibaan Indho Indho oo ka jawaabey arrin uu shalay sameeyey oo lagu dhaliilay (Daawo)

0

(Hargaysa) 03 Luulyo 2022 – Xildhibaan Indho Indho ayaa shalay ku kacay arrin aan ku haboonayn dadka madaxda ah ee haya xil dadwayne, gaar ahaan marka wax laga waydiinayo arrimo guud.

Xildhibaanka ayaa uu wiil weriye ihi su’aal ku kediyey taasoo ah dhaqan caadi ah (normal practice), balse isaga oo caaytamaya ayuu dhowr jeer gacanta u baaciyey weriyaha.

Yeelkeede, hadda oo uu waraysi bixiyey ayuu ku dooday inuu weriyuhu xadgudbey oo uusan isagu diyaar u ahayn inuu waraysi bixiyo, waloow uu si fudud ugu gaabsan karey inuusan waraysi bixinayn.

Madaxda dunida ayaa marka ay arrimahan oo kale dhacaan si aan leexleexad lahayn u wada raalligeliya bulshada maadaama aan khaladkan oo kale laga gelin hal qof.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media