DEG DEG: Suuq ku yaalla Copenhagen oo ay rasaasi ka socoto & talada booliiska (Daawo)

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2022 – Booliiska Denmark ayaa sheegay in dhowr qof ay rasaasi ku qabsatay xarun laga dukaamaysto oo ku taal caasimadda Copenhagen Axaddii, hal qof ayaana la xirey. Dhowr qof ayaa dhintay

Booliiska Copenhagen ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in askar loo diray suuqaasi oo ay 3 qofi ku dhaawacmeen, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya toogashada Fields Shopping Mall. Halkan ka DAAWO…

Waxay kula taliyeen dadka ku jira gudaha xarunta inay joogaan oo ay sugaan kaalmada booliiska.

Warbaahinta Maxalliga ah ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya Ciidamo Boolis ah oo aad u hubeysan oo goobta ku sugan iyo sidoo kale dad ka sii cararaya Suuqa.

Heesaaga British-ka Harry Styles ayaa lagu wadey inuu bandhig muusig ah habeen dambe, 8-da fiidnimo. (1800 GMT), goob riwaayadeed ku taal in ka yar meel mayl u jirta suuqa.

Nin 22-jir ah oo Danish ah ayaa lagu qabtay goobta, sida uu sheegay Isbatoore Soren Thomassen, Madaxa Qaybta Howlgallada Booliiska Copenhagen.

Agaasimaha riwaayaddan ee Live Nation lama heli karo si ay faallo arrintan uga bixiyaan.

Hadalsame Media