SIR CULUS: Maraykanka & Ruushka oo ogaadey inay Ukraine farsamo istaraatiji ah ku leedahay hubka nukliyeerka N. Korea

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022 – Woqooyiga Kuuriya waa madax xannuunka nukliyeer ee Maraykanka iyadoo haatan aad u kordhisey tijaabinta gantaalaha baaligtigga ah ee qaaradaha iskaga tallaaba ee misna qaadi kara madaxyada nukliyeerka.

Waxaase haatan soo daahirtay xaqiiqo xanuun badan marka wax laga eego dhanka reer Galbeedka, waana in gantaalkeeda baalistigga ah ee qaaradaha ee DPRK uu sido matoorka RD-250 ee laga soo saaray wershadda mashiinnada dhista ee Yuzhmash ee magaalada Dnepropetrovsk ee dalka Ukraine taasoo ka mid farsamooyinka ay ka dhaxleen Soofiyeetkii burburay.

Sida inta badan wershadaha weli shaqeeya ee Ukraine, Yuzhmash waxaa la dhisay 1944-kii iyadoo Dagaalkii Labaad ee Aduunku uu si xawli ah ku socdo; kaddibna, intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, injineerradeedu waxay naqshadeeyeen oo soo saareen gantaalaha Soofiyeedka (USSR) ugu horumarsan si ay ula tartamaan Maraykanka.

Bishii Agoosto 2017-kii, The New York Times, oo soo xiganaysa Michael Elleman, oo ah khabiir dhanka gantaalaha ah oo ka tirsan kooxda ololaynta ee Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyada Caalamiga ah (IISS) ee Maraykanka, ayaa sheegay in DPRK ay u badan tahay inay adeegsatay matoorrada RD-250 si ay u naqshadayso gantaalaheeda ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba.

“Waxay u badan tahay in matoorradani ay ka yimaadeen Ukraine – malaha si sharci darro ah … Su’aasha ugu wayn ayaa se ah inta ay haystaan tiro ahaan ​​​​iyo in Ukraine ay caawinayaan hadda. Aad ayaan u walwalsan ahay.” ayuu yiri Elleman.

Khubarada IISS, si kastaba ha ahaatee, waxay rumaysnaayeen in masuuliyiinta rasmiga ah ee Kiev aanay ku lug lahayn howlgalka tahriibinta tiknolojiyaddan muhimka ah.

Dokumentiyo ay horay u hayeen KGB oo lasoo bandhigay ayaa xusaya in North Korea ay xitaa xilligii Soofiyeedka soo dirsan jireen wakiillo sirdoon ah, iyadoo 80meeyadii lagu qabtay iyagoo xadaya farsamada gantaalaha lidka tawaangida.

Waxay warbixintu xusaysaa in kaddib burburkii Soofiyeedka ay Ukraine noqotay dal laga helo hub iyo farsamooyin badan oo muhim ah. Tusaale, 2005, MW hore ee Ukraine Viktor Yushchenko ayaa xaqiijiyey in maamulladii isaga ka horreeyey ee ay gantaalaha kuruuska ah ee X-55 oo awood u leh inay xambaaraan madaxyada nukliyeerka ka iibiyeen dalal ay ku jiraan Iiraan iyo Shiinaha.

Woqooyiga Kuuriya ayay sheegeen inay farsamadan si xatooyo ama qaab gaar ah ku heli karto 1990meeyadii ama horraantii 2000, balse waxay u badiyeen inaysan toos ugu lug lahayn dowladda Ukraine.

Halkan kasoo aqri….

Hadalsame Media