Maraykanka oo ka dhawaajiyey tillaabo halis ah oo uu qaadi karo Shiinuhu (Arrin uu durba diidey)

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2022Shiinaha ayaa laga yaabaa inuu ka fekerayo “la wareegidda” dayaxa iyada oo qayb ka ah barnaamijkeeda hawada sare, maamulaha NASA Bill Nelson ayaa sidaa u sheegay wargayska Bild.

Waraysi la daabacay Sabtigan, Nelson wuxuu ku andacooday in Maraykanku uu hadda wajahayo hardan cusub oo hawada sare ah, oo markan ka imanaya Shiinaha. Waxa uu carabka ku adkeeyey in 2035 laga yaabo in Beijing ay dhamayso dhismaha xarunteeda Dayaxa oo ay bilowdo tijaabooyin sanad kaddib.

Nelson oo 79-jir ah ayaa ku andacoodey in ay tahay inay aad uga walaacaan Shiinaha oo dega dayaxa taasoo uu sheegay inay ka dhigan doonaan wax ay iska leedahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha oo cid kasta oo kale ay tahay inay ka fogaato oo bannaanka ka istaagto.

Isagoo ku andacoonaya in barnaamijka hawada sare ee Shiinuhu uu yahay barnaamij  “millateri”, Nelson wuxuu sharraxay in tartanka cirifka koonfureed ee dayaxu uu si gaar ah u daran yahay: kaydadka biyaha ee suurtagalka ah ee halkaas ku jira ayaa loo isticmaali karaa mustaqbalka soo saarista shidaalka gantaalaha”, sida uu qabo.

Mar ay jariidadda Bild waydiisey ujeedooyinka millateri ee Shiinuhu ka doonayo hawada sare, Nelson waxa uu ku andacoodey in cir-bixiyeennada Shiinuhu ay ku mashquulsan yihiin barashada sida loo burburiyo dayax-gacmeedyada dalalka kale.

In kasta oo Beijing ay dammaanad qaadayso in barnaamijkeeda hawada sare uu ka leeyahay ujeeddooyin nabadeed oo kaliya, Nelson waxa uu muddo dheer dhaleecayn adag u  jeedinayey siyaasadda Shiinaha ee hawada sare.

Bishii Abriil wuxuu ku eedeeyey saraakiisha Shiinaha inay diideen inay Maraykanka kala shaqeeyaan howlahooda hawada sare iyagoo qarinaya xogta muhiimka ah.

Hadalsame Media