Xisbi soo jeediyey in tillaabo xanuun badan laga qaado qofkii wax ku kufsada Sweden (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2022 – Xilli ay wax aan ka badnay laba bilood ay ka harsan yihiin doorashada baarlamanka ee bisha Sebtembar, ayuu xisbiga KD la imaan doonaa hindise cusub oo loogu talagalay in lagu ciqaabo dadka gala dembiyada galmada la xiriira.

Waxay soo jeediyeen in cirbado lagu dhufaano dadka lagu helo inay kufsi gaysteen, sida ay sheegtay Ebba Busch oo ah hoggaanka Xisbigan oo u warrantay warqaadka Aftonbladet.

Waxay saluugtey ciqaabta la marsiiyo dadka wax kufsada oo ay qaarkood carruur ku xadgudbeen taasoo ah 2,8 sano ama wax kaba yar 3 sano oo misna la cafiyo marka dambe, gaar ahaan marka uu guto 2/3 meelood xukunkii lagu ridey.

Waxay sheegeen in xitaa haddii qofka shuruud lagu sii daynayo qaab kiimikaysan loo dhufaano, taasoo aan mid u baahan qalliin sida in xaniinyaha laga saaro, balse ah dawo lagu durayo oo yaraynaysa baahida galmo ee qofka welibana xilli loo qaban karo si loo ogaado inuu arrintaa faraha ka qaaday oo uusan kufsi dib ugu noqon.

Waxay Ebba Busch ku doodday in loo baahan yahay ciqaab u dhiganta xadgudubka uu qofku u gaystey sharafta iyo nolosha qofkii uu kufsaday. Halkan ka DAAWO…

Wuxuu kale oo Xisbiga KD soo jeediyey in 25 sano oo xabsi ah la geliyo qofkii ku kaca kufsi ba’an ama xitaa xabsi daa’in haddii uu ilmo kula koco kufsiga.

Hadalsame Media