FASHIL: Saldhig-cireed uu yaallo nukliyeerka NATO oo la ogaadey in daroogo lagu dhex kariyo (Weerar booliis oo dhacay)

0

(Hadalsame) 29 Juun 2022Ciidamada booliska ee Belgian ayaa jebiyey shaybaar daroogo sharci darro ah oo ku dhex yaal dhismaha saldhigga ciidamada NATO ee Kleine-Brogel ee woqooyiga bari ee dalkaasi, Booliska Limburg ayaa ku dhawaaqay Talaadadii.

Xaruntan ayaa la helay Arbacadii la soo dhaafay, sida ay mas’uuliyiintu sharreen, iyaga oo raaciyey in “guri daris ah” oo ku dheggan dhismaha saldhiggu uu sidoo kale ku lug lahaa hawlahan. Shaybaarku waxa uu soo saarayey dawada synthetic-ga ah ee MDMA, oo loo yaqaano ecstasy.

Laba tuhmane oo aan ciidan ahayn, ayaa la soo qabtay intii uu socdey hawlgalku kaddib waxaa lagu sii daayey shuruudo gaar ah. Booliisku wax sharraxaad ah kama soo saarin eedaymaha suurtagalka ah ee lagu soo oogi karo labadooda.

Saldhigga Cirka ee Kleine-Brogel ayaa la rumeysan yahay inuu ku kaydsan yahay hubka atoomigga ee Maraykanka ee hoos yimaada barnaamijka wadaagga nukliyeerka ee NATO. Xarunta ayaa marar badan bartilmaameed u ahayd dibad-baxayaasha ka soo horjeeda nukliyeerka iyo NATO gebi ahaanba.

Yeelkeede, maqaamka nukliyeer ee saldhiggan ayaa ah mawduuc suuqa ku jirey muddo tobanaan sano ah balse aan abid la rasmiyeynin, laakiin tirada madaxyada dagaalka ee lagu hayo xarunta si rasmi ah looma oga.

Dabayaaqadii 2019-kii, xildhibaan ka tirsan xisbiga Cagaaran ee Degaanka ayaa u sheegay Baarlamaanka Belgium in 10 ilaa 20 madax oo nukliyeer ihi ay yaallaan goobtan.

Hadalsame Media