Gud. Sheekh Aadan Madoobe oo u ololaynaya arrin xasaasi ah & khaladka ka muuqda

0

(Hadalsame) 22 Juun 2002 – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ‘Madoobe’ oo wareysi gaar ah siinayay BBC-da ayaa sheegay in muddo ah uu kasoo horjeeday xiritaanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda u xiran isla markaana sheegay in si ‘gardarro ah’ uu u xiran yahay.

Wuxuu intaa ku daray in uu ku rajo weyn yahay in Mukhtaar Roobow uu haatan heli doono caddaalad.

“Xiritaankiisaa dadkii diidanaa ayaan kamid ahaa, gardarro in uu ku xirnaa waan u jeeday, dadkii gardarradaas ku sameeyay oo awooddaa ku maqooniyay maanta xilka ma hayaan, waxaan u maleynayaa in uu heli doono caddaalad” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlayey BBC.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ay ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Hadalka Guddoonka ayaa muujinaya inaysan jirin siyaasas ammaan oo hal nooc ah oo u degsan DF Somalia, maadaama uu sii daynta Roobow uu kaliya ku xirey in nidaamkii is bedeley.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments