Malliishiyo Cafar ah oo Soomaali badan ku laysay weerar gaadmo ah & xoolo badan oo laga dhacay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 22 Juun 2022 – Xogaha maanta laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qofood oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu laayey degaan la yirahdo Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awaash ee mara degaanka Canfarta halka dhowr kalena halkaa lagu dhaawacay.

Wararka ayaa intaa raacinaya in malleeshiyaad ka soo jeeda qowmiyadda Canfartu ay weerarkan ku qaadeen xoolo dhaqatada Soomaalida ah oo u aroortay webiga, waxaana Soomaalida sidoo kale laga qaaday xoolo fara badan oo gaaraya ilaa 4,000 oo neef.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli usbuucyadii la soo dhaafay ay soconayeen dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadan qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah, islamarkaana isku haya dhul ay Soomaalidu leedahay oo ka tirsan Gobolka Siti oo uu iyaga raaciyey nidaamkii Tigreegu, iyadoo ay Soomaalida iyo Cafartu leeyihiin xad aad u dheer oo ilaa 700 oo km ah.

Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka Gobolka Siti ayay arrintani dhabar jab wayn ku tahay maadaama xilli abaareed lagu jiro, sidoo kalena dhulkaasi aanu biyo fiican lahayn.

Halkan ka dhegeyso….

Hadalsame Media