”Dagaal baa la iclaamiyey!” – Fal-celin durba ka timid xubnaha dib-u-eegista Dastuurka ee la ansixiyey

0

(Muqdisho) 21 Juun 2022 – Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee DF Somalia ayaa ansaxiyey xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka Federaalka ah ee Somalia.

Xubnaha la ansixiyey oo 5 qof ka kooban ayay magacyadoodu kala yihiin sidatan:

1. Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)

2. Senatar Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)

3. Senatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)

4. Senatar Saalax Axmed Jaamac

5. Senatar Xasan Xuseen Xaaji

Yeelkeede, dadwaynaha oo dhinacyo kala duwan ka kooban ayaa durba ka falceliyey iyagoo muujinaya inay Puntland oo ay aalaaba is qabtaan DF Somalia, ay ka maqan tahay xubnahan lasoo xulay ee iminka la anixisyey.

Wasiir Gudeedkii DF Somalia, Cabdi Faarax Juxaa, ayaa si kajan ah balse saluug hagayo uga jawaabey isagoo leh:

“Dastuurka Koonfur-Bartamaha Soomaaliya mise? Puntland waa laga tuuray doodda Dastuurka Soomaaliya. Guddi aad u xiiso badan!”

Dagaal kale baa la iclaamiyay balse aynu aragno halkuu ku shaqeeyo ina Sheekh Maxamud.” ayuu yiri Cabdicasiis Cawil Sheexo.

Maanta mar kale waa nala weeraray.” ayuu soo qoray Khayrre Cadde.

Hal mid oo background sharci leh kuma jiro.” ayuu yiri Cumar Jeeni Cadde.

Ninka kabaha ku tolaayo kabahiisa la eega ragg meeshan kujiro wax ma qoraan mana aqriyaan.” ayuu ku doodya Sonko Xaaji.

Puntland way ku khasaartay xiriirka Jubbaland.” ayuu yiri Maxamed Ibraahim, iyadoo ay Jubbaland 2 xubnood ku leedahay xubnahan.

Faroole hadduu ka maqan yahay looma dhamma.” ayuu ku kaftamay Shaafici Geesdiir.

Hadalsame Media