Ukraine oo dhuxulo maygaag ka dhigtay taangi & tikniko Ruushku leeyahay oo ay cirka duqaysay (Daawo)

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – Muuqaal cusub ayaa muujinaya Ciidamada Ukraine oo gebi ahaanba baabi’inaya taangi Ruushku leeyahay iyo laba baabuur oo tikniko ah oo dagaalka ku jirey, iyaga oo isticmaalaya howsarka nooca M777 ee Ingiriisku sameeyo.

Muuqaallao hawada laga qaaday ayaa muujinaya Guutada 81-aad ee Gaadiidka Cirka oo isticmaalaya hubkan riddada dheer si ay u beegsadaan baabuurtan ay wataan Ciidanka Ruushanku.

Taliska ciidamada weerarka qaaday ee Ukraine ayaa yiri: ‘Koox hubeysan oo ka tirsan guutada 81-aad ee DShV [Ciidanka Weerarka Cirka ee Ukraine] ayaa burburiyey hal taangi iyo labo baabuur oo tikniko ah oo ay lahaayeen Ruushka soo duuley.”

Ukraine ayaa sheegatay in Ruushku uu dagaalka ku lumiyey 33,800 oo askari, 1,477 taangiyo ah, 3,588 baabuurta gaashaaman ah, 749 unugyo madaafiic ah, 235 hannaanka gantaalaha badan rida, 98 habka difaaca hawada, 216 diyaaradood, 181 helikobtar ah, 601 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, 130 baabuur, 14 markab dagaal, 2,527 gawaari iyo booyadaha shidaalka iskugu jira, iyo 55 unug oo ah qalab gaar ah.

Hadalsame Media