”Biden Maraykanka wuxuu gelinayaa Dagaal Adduun!” – Donald Trump oo ku furka xooray islamarkaana hal arrin ballanqaaday

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa u sheegay Newsmax maanta in madaxwayne Joe Biden uu ka bayray dhabbihii dhaqaale kobcinta qaranka uuna u dalka u horseeday “dagaal adduun” oo sababsan doona Ukraine.

Trump waxa kale oo uu intaa ku daray ”in aanu waxba ka garanayn” wax ka joojinaya in uu mar kale u tartamo xafiiska ugu sarreeya Maraykanka sanadka 2024-ka.

“Dalkeenna waxaa ku jirta dhibaato badan,” Trump ayaa sidaa u sheegay martigeliyaha barnaamijka Newsmax Eric Bolling. “Dalkeennu abidkii sidan oo kale marna ma noqon.” ayuu raaciyey.

Waxaana khatar wayn ugu jirnaa waxa ka soconaya Ukraine iyo Ruushka. Waxay ku dambayn kartaa dagaal adduun sida ay haatan wax u maaraynayaan. Waa waalli waxa ay samaynayaan. Waa waalli.” ayuu raaciyey.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka oo door wayn ku leh dagaalka Ukraine, ayaa ku adkaystay in haddii uu weli xukunka hayn lahaa, aanu “marna dheceen dagaalka Ukraine  – ama in Ruushku weeraro Ukraine.”

MW hore ee Trump ma uusan sharraxin sida uu uga hortegi lahaa dagaalka, laakiin wuxuu ku adkaystay dood ah in Maraykanka si wanaagsan ”loo ixtiraamayey xilligii maamulkiisa.”

Hadalsame Media