Xilliga la samaynayo Isku-aadka Horyaalka Talyaaniga ee fasalka 2022-23 oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – Isku aadka Serie A ee 2022-23 ayaa la samayn doonaa Jimcaha soo aaddan Juun 24. Waqcadda oo toos looga baahin doono TV-yada ciyaaraha ayaa waxa ay bilaabmaysaa aminta 11.00 UK (10.00 GMT), waxana hilinnada soo tebinaya ka mid ah DAZN iyo kanaalka YouTube ee Lega Serie A.

Madaxwaynaha Lega Serie A Lorenzo Casini iyo Madaxa Fulinta Luigi De Siervo ayaa goobjoog ahaan doona, laakiin ma joogi doonaan wakiillo ka kala socda kooxaha heerka 1-aad ee kala duwan.

Serie A ayaa kaddib guushii xilli-ciyaareedkii hore ee 2021-22, mar kale isku aadkiisa lagu salayn doonaa qaab-dhismeed ‘aan caadi ahayn’, sidaa darteed wareegga labaad (Torneo) ee horyaalku ma raaci doono sida ay iskugu xigaan kulamada wareegga hore (Andata).

Dhanka kale, in kasta oo Talyaanigu aanu ka qaybgeli doonin Koobka Adduunka ee 2022, haddana xilli-ciyaareedka soo aaddan ayaa nasasho qaadan doona laga bilaabo Nofeembar 13 illaa Jannaayo 4, isagoo horyaalka oo dib ka jiitami doona uu dhammaan doono 4-ta Juun.

Hadalsame Media