XOG: MW Somalia oo la sheegay inuu la kulmi karo Israel (War ay qortay warbaahintoodu)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – MW Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqashadiisii ugu horreeysey ku tegey dalka Imaaraadka Carabta oo sanadihii dambe ka mid ahaa dalalka faragelinta ku haya Somalia.

MW Xasan ayaa la sheegay inuu Abuu Dabeey kala hadlayo wanaajinta xiriirka labada dal oo muddo dheer xiriir lahaa waloow aysan Muqdisho hiillo wax ku ool ah ka helin Imaaraadka.

Yeelkeede, warar kale ayaa sheegaya inuu shir doceed aan rasmi ahayni uu dhexmari doono MW Xasan iyo saraakiil Israeli ah.

“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay Madaxwayne cusub todobaadkii hore, taasoo dib usoo celisey hoggaamiye si qarsoodi ah ula kulmay Ra’iisal Wasaarihii xilligaas ee Benjamin Netanyahu sanadkii 2016-kii.” Ayaa dhammaadkii bishii Maajo ee hore lagu qoray Times Of Israel.

Wargayska ayaa xitaa qoray in diblomaasi ku dhow Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in maadaama uu mar kale soo noqday uu “caadiyaynayo xiriirka Somalia iyo Israel” oo aan abidkood yagleelin wax xiriir diblomaasiyadeed.

Hadalsame Media