”Waa walaac sharci ah!” – Gaashaanbuurta NATO oo mar kale ku hadashay lahjad aysan jeclaysan doonin dalalka Sweden & Finland

0

(Hadalsame) 13 Juun 2022 NATO ma aysan filaynin inuu wax dhib ihi ka iman doono codsiyada xubinnimada ee Sweden iyo Finland, sida uu qirtay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga, Jens Stoltenberg shalaytoole, isagoo laakiin sidoo kale qiray inuu ka indho-saabnaa walaaca “sharciga ah” ee Turkiga. Wuxuu se weli rabaa in Stockholm iyo Helsinki ay Gaashaanbuurta ku soo biiraan sida ugu dhaqsaha badan.

Horraantii geeddi-socodka, ma aanan haynin sabab aan u rumaysanno inay wax dhibaato ahi jiri doonaan,” ayuu Stoltenberg u sheegay Financial Times Isniintii, isagoo booqanaya Sweden.

Dabayaaqadii Abriil, NATO waxay u ballanqaaday Sweden iyo Finland in marxaladda ugu horreeysa ee ku biiritaankoodu ay qaadan doonto dhowr toddobaad oo keliya, balse waxay dhex u galeen diidmada Turkiga iyadoo Ankara ay ku eedeysay labada waddan inay taageeraan argagixisada.

“Walaaca Turkigu maaha mid cusub,” ayuu Stoltenberg ku daray, isagoo ku tilmaamay Turkiga “saaxiib muhiim ah, marka xulafadu ay kor u qaadaan walaacyada amniga, waa inaan wax ka qabannaa,” ayuu yiri.

“Kuwani waa walaacyo sharci ah. Waxay ku saabsan yihiin argagixisannimo, waxay ku saabsan yihiin hubka la siiyey,” ayuu sidoo kale yiri Stoltenberg Axaddii isagoo ku sugnaa Finland. “Waa inaan wax ka qabannaa welwelka amni ee dhammaan xulafada, oo ay ku jiraan walaacyada Turkiga ee kooxda argagixisada ah ee PKK,” ayuu soo jeediyey.

“Hadafkaygu waa inaan sida ugu dhaqsaha badan NATO ugu soo biirinno Finland iyo Sweden. Weliba si ka dhaqse badan marka la barbar dhigo hababkii kale ee ku biirista ururkan.” ayuu ballanqaaday madaxa isbahaysiga oo la hadlay FT, isagoo soo jeediyey in arrintan lagu xallin doono “waqtiga ugu waaqicisan.”

Hadalsame Media