Maraykanka oo si ”hoose” Ruushka uga iibsanaya agab muhim ah xilli uu Yurub ka go’doomiyey

0

(Hadalsame) 14 Juun 2022 – Saraakiisha Maraykanka ayaa “aamusan oo hoose” ugu boorrinaya shirkadaha beeraha dalkaasi inay xoojiyaan soo iibsiga agabyada bacrimiska beeraha ee Ruushka oo haatan ku yaraatay, sida uu weriyey Bloomberg oo xiganaya ilo aan la magaacabin.

Shirkadaha oo ka baqaya cunaqabataynta Maraykanka ayaa sida muuqata gabi ahaanba horay u joojiyey wax ka iibsiga Ruushka, in kastoo daldaloollo sharci ah loo sameeyay ciqaabaha la mudan karo. Maraykanka ayaa sidaa u yeelaya agabka bacriminta oo ku yaraaday dalkiisa.

Maraykanka iyo inta badan wadammada Midowga Yurub ayaa waxay xayiraado ganacsi oo adag kusoo rogeen Moscow tan iyo weerarkii Ukraine dabayaaqadii Febraayo, waxayna hadda wajahayaan xaalad adag iyadoo shirkadaha maraakiibtu aysan ku dhicin qaadista agabka bacriminta Ruushka.

Ciqaabaha la mudan karo ayaa si kas ah looga reebay agabka bacriminta Ruushka – taas oo Moscow ay tahay dhoofiyaha caalamiga ah ee ugu muhiimsan – laakiin saas oo ay tahay shirkaduhu way ka caga jiidayeen inay iibsadaan ama daabulaan, waxayna keentay in iibsiga agabkani uu hoos u dhaco 24% sanadkan.

Dagaalka Ukraine ayaa uga sii daray cunno-yarida adduunka oo dhan, maadaama Ruushka iyo Ukraine ay yihiin laba dal oo meel wayn uga jira iib-gaynta xabuubka sida sarreenta iwm, taasoo aad sare ugu qaadday sicirka.

Hadalsame Media