Danjiraha Ukraine ee Jarmanka oo ka hadlay jir-xumo ay la kulmeen qaxootiga dalkiisa (Weerar dadban oo Muslimiinta ka dhan ah)

0

(Berlin) 13 Juun 2022 Safiirka Ukraine u jooga Jarmalka, Andrey Melnik, ayaa su’aal galiyey ‘dhaqanka soo dhowaynta’ Jarmalka ee ku wajahan qaxootiga Ukraine. Diblamaasigu waxa uu saxafiyiinta u sheegay in qaar badan oo dadkiisa ka mid ihi ay Jarmanka isaga baxeen kaddib markii ay waayeen soo dhowayntii ay rajaynayeen.

Isagoo ka qaybqaadanaya barnaamij dood ah oo ay soo qaban qaabisay warbaahinta Bild ee Jarmanka, Melnik wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah qaxootiga Ukraine ee soo galay Jarmanka kaddib markii uu bilowday duullaanka millateri ee Ruushka ka dhanka ah dalkooda dabayaaqadii bishii Febraayo ay ka niyad jabeen Jarmanka. Danjiraha ayaa ku andacoodey in dad badani aysan dareensanayn in halkaas lagusoo dhoweeyey, islamarkaana ay go’aansadeen in ay isaga baxaan.

Sida laga soo xigtey diblamaasi reer Ukraine, Jarmanku waa in ay is weydiiyaan sababta dadka badan oo reer Ukraine ihi “aysan u rabin inay halkan sii joogaan.”

Isaga oo ka hadlaya hadalka safiirka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamul-goboleedka Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa u sheegay Bild in “uu jeclaan lahaa in uu si cad u khilaafo hadalka Mr. Melnik.” Herrmann wuxuu ku adkaystay in “wadarta guud ee qaxootiga reer Ukraine ay dareemayaan wanaag ayna la dheceen sida loola dhaqmay.”

Wuxuu se xusay, in si ka duwan qaxootigii hore uga yimid dalalka Afgaanistaan ​​ama Suuriya, dadka reer Ukraine guud ahaan “ay rabaan inay ku noqdaan dalkooda hooyo.”

Hadalsame Media