Qoraal qish ka bixinaya dhanka uu MW Xasan Sh ka keeni karo RW cusub

0

(Hadalsame) 13 Juun 2022 – Ra’iisul Wasaaraha laga sugayo Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud, waa kaadir xaaladda adag ee dalku ku jiro kor iyo kilyo uu ku qaado leh.

Ra’iisul Wasaare aan xujoobin marka xaalku adag yahay ee xilkasnimo, xikmad, xeer iyo xeelad ku wajaha xaalkasta oo soo kordha, ayaa dadku sugayaan. Ra’iisul Wasaare Soomaali Heshiis ah horseedi kara.

Madaxwayne Hassan, maadaama uusan ahayn darawal barbarad ah oo horey bas (bus) usoo kaxeeyey (2012—2017).

Waa in uu walax ka bartaa sababta Saacid Shirdoon iyo Cabdiweli Sheikh Axmed, sida deg deg ah uga duuleen baskii hore! Hadda oo tareen dheereeya la fuulayo waxaa loo baahan yahay xirfad lagu kaxeeyo tareenka, xulufo buuxisa iyo xeer lagu wada saarnaado si aan sibiq shil loo galin, dad badanna ugu dhiman inta aan la gaarin daaqsinta reerku degayo.

Tareenku hadduu shil galo, rakaab u dhigma inta ay qaadaan boqol (100) bas ayaa ku dhiman karta! Tareen shil galayna san—ceyntiisa Soomaali ma taqaan!

Madaxweynuhu qofka iyo deegaanka uu Ra’iisul Wasaaraha u xulanayo (ama) ka xulayo, labaduba macno weyn ayey leeyihiin. Hadduu Madaxwayne Hassan, isteeshinka Danwadaag ee Degmada Afmadow ku khaldo kan Baalade ee Degmada Boosaaso asaga ayaa laga rabaa sida uu xulufo buuxisa iyo xeer lagu wada saarnaado tareenka ugu helo.

W; Q: Mahad Geelle

Hadalsame Media