”Taasi waa khasab si Ruushka loola heshiiyo!’ – NATO oo si rasmi ah ugu dhawaaqday arrin muraara-dillaac ku ah Ukraine

0

(Hadalsame) 13 Juun 2022 – Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa Axaddii sheegay in xulafada uu hoggaamiyo Maraykanka ay ujeedadoodu tahay in lagu xoojiyo mowqifka Ukraine ee miiska wadahadalka, laakiin wuxuu intaa ku daray in heshiis kasta oo nabadeed uu u baahan doono tanaasul, kaasoo uu ku jiro dhul.

Halkan ka DAAWO….

Stoltenberg ayaa ka hadlayey shirka Kultaranta ee Finland, kaddib markii uu la kulmay madaxwaynaha Finland ee Sauli Niinisto. In kasta oo madaxa NATO uu sheegay in reer Galbeedku ay diyaar u yihiin inay “bixiyaan qiimo” si loo xoojiyo millateriga Ukraine, misna wuxuu tusmeeyey inay tahay in Kiev ay samayso tanaasulaad dhuleed oo ay uga harayso Moscow si loo soo afjaro khilaafka hadda taagan.

Nabadi waa suurtogal,” ayuu yiri. “Su’aasha kaliya ee taagan ayaa ah waa maxay qiimaha aad diyaar u tahay inaad ku bixiso nabadda? Intee dhul le’eg, intee in le’eg oo madax-bannaani ah, ayaad diyaar u tahay inaad nabadda u hurto?” ayuu isku waydiiyey su’aalo masiiri ah.

Yeelkeede, Stoltenberg ma aanu soo jeedin oo wuxuu wax yar u jirsaday inuu qayaxo shuruudaha ay tahay inay Ukraine aqbasho, isagoo farta ku godey in “kuwa bixinaya qiimahaa aadka u sarreeya ay tahay inay go’aankaas gaaraan,” halka NATO iyo Galbeedku ay sii wadayaan bixinta hubka ay isku difaacayso Ukraine, kahor inta xal nabadood laga gaarayo.

Arrintan ayaa weji-gabax ku noqonaysa Maamulka Ukraine oo dagaalkaba uga baaqsan kari lahaa inaysan NATO ku biirin iyo inay hirgeliyaan Heshiiskii Minsk ee lagu gaarey Belarus, kaasoo la saxiixay 5-tii Sebt. 2014-kii si ismaamul hoosaad loo siiyo dadka Ruushka ah iyo kuwa af Ruushka ku hadla ee ku dhaqan Gobolka Donbas, kaasoo uu Ruushku inta badan haatan qabsaday, kaddib markii uu inta badan burbur kaabe u gaystey dalka Ukraine oo NATO ka filaysey gurmad millateri oo toos ah ama ugu yaraan agab ciidan oo waawayn, balse midkoodna ma dhicin, ugu yaraan ilaa haatan.

Hadalsame Media