Arrin shaqo-xumo ah oo Xildhibaannadu wadaan oo laga wadi la’yahay howlaha Baarlamanka (Daawo)

0

(Muqdisho) 12 Juun 2022 – Waxaa maanta Muqdisho ka iclaansanaa kulan-wayne ay u dhan yihiin labada aqal ee Baarlamanka 11-aad ee DF Somalia, kaasoo ujeedkiisu yahay aqrinta koowaad ee Miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Yeelkeede, waxaa kulankiiba waqtigii Xildhibaannada la ballamiyey oo ahayd 09:00 subaxnimo soo istaagey dhowr qofood, taasoo ka caraysiisey Guddoonka Baarlamanka oo ay khasab ku noqotay inuu waqtigii uu kal-fadhigu furmi lahaa la kordhiyo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku qaylinayey in ”Xildhibaanku aanu xilka usoo doonanin inuu iska seexdo. Aqalka Sare 19 ayaa ka timid, halka Aqalka Hoose ay ka joogee 36” ee ay tahay inuu yimaado xilliyada ay jiraan kal-fadhiyadu, isagoo ballanqaaday in tillaabo ay qaadi doonaan oo samayn doonaan xeer-hoosaadyo wax ku ool ah oo arrintan lagu maaraynayo.

Tan ugu darani waxay tahay, in Xildhibaanku aanu u baahnayn inuu maalin kasta soo shaqo galo, misna maalintii kal-fadhi jiro haddii uu maqnaado ama iska daaho waxay taasi cuuryaaminaysaa xilka qaran ee uu hayo iyo howshii lagu qaban lahaa.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media