”Wax kasta oo ay ku kacdo waan ku dagaallamaynaa Taiwan!” – Shiinaha oo runta u sheegay Maraykanka

0

(Beijing) 12 Juun 2022 – Wasiirka Difaaca Shiinaha, Jen. Wei Fenghe, ayaa u sheegay Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, in Beijing ay “dagaallami doonto qiimo kasta haku kacdee” si looga hortago in Taiwan ay ka go’do dhulwaynaha Shiinaha.

Digniintiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Maraykanku wado heshiis hub oo malaayiin Doollar ku kacaya oo uu la galay Taiwan xilli ay farriimo iska soo horjeeda ay ka imanayaan sida ay Washington u aragto maqaamka jasiiraddan fallaagada ah, sida ay Beijing u aragto.

“Haddii uu qof ku dhiirado inuu Taiwan ka gooyo Shiinaha, millateriga Shiinuhu ma haysto doorasho aan ka ahayn inay la dagaallamaan qiime kasta oo ku baxa si ay u burburiyaan isku day kasta oo Taiwan looga jarayo dhulka hooyo,” ayuu ku qayliyey Wei oo toos ula hadlayey Austin, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Shiinaha, Wu Qian.

“Millateriga Shiinuhu wuxuu si adag u ilaalin doonaa madax-bannaanida geyi ee qaranka iyo sharafta dhuleed,” Wu ayaa raaciyey.

Wei iyo Austin ayaa ku kulmay Singapore Jimcihii, iyadoo uu shirkoodu dhinac socdey shir sannadeedka difaaca ee Shangri-La Dialogue. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyey Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda (IISS) oo ah hay’ad cilmi-baaris oo British ah, ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 40 dal, waxaana ugu horreeyn khudbad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Japan, Fumio Kishida.

Hadalsame Media