Sicirka shidaalka Maraykanka oo faraha kasii baxaya & Senatar soo jeediyey talo waalan (Daawo)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2022 – Senatar John Kennedy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ku dooday in uu garanayo sida uu wax looga qabanayo qiimaha gaaska ee rikoodhka jabiyey ee Maraykanka, isaga oo soo jeediyey in dadka Maraykanku ay isticmaalaan daroogada Kookaynta.

Celcelis ahaan qiimaha halkii gallon oo gaas ah ayaa Maraykanka rikoodh ka dhigayey 12 maalmood oo xiriir ah, isagoo gaarey $4.96 Arbacadii.

Wadarta 16 gobol oo lagu daray caasimadda Washington DC ayaa se iyagu mar hore dhaafay $5, iyadoo qiimaha ugu sarreeya oo ah $6.39 Doollar halkii gallon, laga diiwaangeliyay Gobolka California.

“Ma garanayo meesha aad ku nooshahay, Jesse, laakiin gobolkayga, qiimaha gaasku aad buu u sarreeyaa oo waxaa ka jaban in la iibsado Kookayn oo meel walba la ordo.” ayuu ku kaftamay Senetarka Gobolka Louisiana mar uu bandhig TV ka hadlayey.

Hadalsame Media