Matt Bryden oo mid aanu filayn kala kulmay fikir uu ka dhiibtey ujeedada waraysiga Fahad Yaasiin

0

(Hadalsame) 11 Juun 2022 – Matt Bryden oo ka mid ah ragga ka faashleeya ama ka qadeeya xaaladda cakiran iyo qalalaasaha dalka Somalia oo aan weli helin horseed siyaasi ah oo holaca ka saara mid kastaana uu dab kusii shidayo ayaa wax ka yiri waraysiga Fahad Yaasiin.

Bryden oo ka mid ah dadka aad u diiddan inay Somalia midaysani dowladowdo, ayaa waafaqay aragti ay dadka qaar horay u hadal hayeen oo ahayd in waraysiga looga gol lahaa in dareenka bulshada looga weeciyo munaasabaddii caleemo-saarka MW Xasan Sh.

Fahad Yaasiin oo isku dayey inuu dareenka ka weeciyo xafladda caleema-saarka Madaxwayne Xasan Sheekh, isagoo soo bandhigay qoob-ka-ciyaar is jejebin ah.

Yeelkeede, shacabka Soomaaliyeed ayaa warkiisa ka fal-celiyey, iyadoo ay qaar fikirkiisa u nacamleeynayeen, balse qaar badan oo qaba isla ra’yiga uu soo bandhigay ayaa misna u sheegay inuu faraha kala boxo arrimaha gudaha ee Somalia.

FG: Dance of the Seven Veils… Waa sheeko dheer, balse waxaa sidoo kale laga cabbiraa marka ay dumarku ku hor boodboodayaan ragga madaxda ah.

Halkan hoose ka eeg jawaabaha….

Hadalsame Media