Dalka Sucuudiga Carbeed oo shidaalka ka goosanaya dalka Shiinaha & sababta

0

(Hadalsame) 11 Juun 2022 – Sacuudi Carabiya ayaa dhimi doonta shixnadaha saliidda ah ee Shiinaha bisha Luulyo, sida ay faafinayaan Reuters iyo Bloomberg, iyagoo soo xiganaya ilo xog ogaal ah.

Sida laga soo xigtey warbixinnada warbaahinta, shirkadda ugu wayn dhoofinta saliidda adduunka, Saudi Aramco, ayaa ku wargalisey ugu yaraan 4 wershadood oo Shiinees ah inay yarayn doonaan xaddiga saliidda qandaraasku dhigayo bisha soo socota ee Luulyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tillaabadan ay sabab u tahay in Shiinuhu uu sare u qaadayo soo degsiga saliidda Ruushka oo qiimo dhimis wayn lagu sameeyey, taasoo Moscow ay u soo bandhigtay Shiinaha kaddib markii waddamada reer Galbeedku ay bilaabeen inay baabi’iyaan qandaraasyadii keenista saliidda Ruushka iyaga oo soo rogey cunaqabatayn la xiriirta dagaalka Ukraine.

Intaa waxaa dheer, waxaa sii kordhaya baahida saliidda Sacuudiga ee adduunka oo dhan, gaar ahaan Yurub, xilli ay meesha kasii baxayso tamarta Ruushka iyo raadinta saliid bixiyeyaal cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wershadaha sifaynta ee dalalka Japan, South Korea, Thailand, iyo India ay si buuxda u heli doonaan shidaalkooda, halka qaarkood ay weliba xitaa heli doonaan sahay dheeri ah, oo ay ku jirto wershad sifaysa shidaalka oo ku taal Pengerang, Malaysia.

Sidoo kale, ugu yaraan saddex wershadood oo kuwa sifaynta batroolka ah reer Yurub ah ayaa helaya qandaraasyo buuxa oo ay shirkadda Sucuudigy ku siinayaan shidaal bisha Luulyo, sida ay sheegayaan ilo wareedyadu.

Horraantii todobaadkan, Saudi Aramco ayaa ka yaabisay suuqa tamarta kaddib markii ay kor u qaadday qiimaha rasmiga ah ee shidaalka bisha Luulyo oo ay ku dartay $2.10 fuustadii shidaal qeeriin ahba.

Hadalsame Media