“Sidee taasi isu qabanaysaa?!” – Hadal uu sheegay Fahad Yaasiin oo ay su’aal adagi ka taagan tahay?!

0

(Hadalsame) 12 Juun 2022 – Fahad Yaasiin xaq buu u lee yahay in uu is ka difaaco eedda loo haysto ee Ikraan Tahliil, af iyo garsoorba.

Isagana umadda iyo qoysku xaq bay u gu lee yihiin in uu sheego xogta inantaa ku saabsan ee uu sheegay in uu qarinayo 90%.

Laakiin xaq u ma laha in uu dadka caqligooda yaraysto oo yidhaahdo raysalwasaaraha iyo kooxdiisa iyo dawlado shisheeye ayaa isu kaashaday in ay Ikraan Shabaab u geeyaan oo la dilo.

Gabadh yar oo uu isaguba sheegay in ay bilaa camal ahayd oo shaqo raadinaysay sidee awoodo intaa tiro lihi isu gaashaanbuursan karaan dilkeeda?

Labada sababood ee uu sheegay in quwadaha is gaashaanbuursaday Ikraan u dileen suuragal ma aha.

Gabadh yar, oo weliba sida uu sheegay aan markaa NISA u shaqaynayn, sidee sumcadda NISA loo gu dilayaa ama dalka loo gu khalkhal gelinayaa? Wax intaa ka weyn sow ma ay samayn kareen?

W; Q: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media