Ruushka oo ”kashifay” arrin ay Ukraine kula kacday ciidamadeeda isku daya inay dib u gurtaan + Sawirro

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Millateriga Ukraine ayaa waxa ay isticmaalayaan ciidamo isbaaro oo kale ah, oo ah unug anshax-ilaalin ah oo ka kooban wadaniyiinta mayalka adag, si ay cutubyada kale uga hor joogsadaan inay dib u gurtaan, sida uu sheeganayo millateriga Ruushku.

Isniintii, ”ciidamadan jid-gooyada” Ukraine ayaa qarxiyey buundo ku taalla magaalada Svyatogorsk ee woqooyiga Donetsk, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Jen. Igor Konashenkov mar uu warbaahinta la hadlayey.

Tillaabadan ayaa sidaa go’doon kaga dhigtay cutubyo millateri oo Ukraine ah, oo kala ah “haraadiga guutooyin kala ah guutada 95-aad ee weerarrada cirka iyo guutada 81-aad ee difaaca” oo ku xayiran magaalada.

Ruushka ayaa sheegay inay taasi keentay in ilaa 80 askari oo Yukreeniyaan ihi ay webiga ka tallaabaan iyaga oo dabaalanaya. Askarta Ruushkuna iyaga oo og aanay rasaas ku ridin, si ay ugu sahlaan askartani inay baxsadaan, halkii ay u dhiman lahaayeen “daafaca taliska wax ma taraha ah ee Kiev”, sida uu yiri Afhayeenku.

“Waxaan ugu yeereynaa dhammaan millateriga iyo xubnaha cutubyada difaaca dhulka ee Ukraine inay raacaan tusaalahan oo ay joojiyaan iska caabinta aan laga fiirsan si ay naftooda u badbaadiyaan.” ayuu sarkaalku ku daray.

Ukraine, ilaa hadda, ma aysan bixin wax faallo ah oo ku saabsan horumarka Svyatogorsk ee ay sheegteen Ciidamada Ruushku.

Hadalsame Media