Ninkii gabadha inta diley musqusha ku ridey oo xukun deg deg ihi ku dhacay (Sawirkiisa)

0

(Baydhabo) 07 Juun 2022 – Ninkii Baydhabo todobaadkaan sida arxan darrada ah gurigiisa ugu dhex diley Aamina Malaaq Mukhataar ayaa maanta Maxkamad ku taala Baydhabo waxay ku xukuntey dil toogasho ah.

Gacan ku dhiigle, Maxamed Goomey, ayaa la sheegayaa in sida ugu dhaqsaha badan loogu fuliyey xukunka. Halkan ka aqri sida ay wax u dhaceen oo dhan iyadoo markiiba loo waday dhanka tiirka lagu toogto dadka xukuman, halkaasoo lagu toogtey.

Xukunkaan deg degga ah waxaa si wayn u soo dhoweeyey dadwaynaha magaalada Baydhabo.

Aamino ayaa Axadii maydkeeda laga helay meel booso-neero oo ku taalla xaafadda Buulo Jameeco ee magaalada Baydhabo.

Gabadha ayaa la sheegay inay ninka diley lacago badan ku lahayd isagoo markii uu gurigiisa keenayey u sheegay inuu lacagtii biddaalkeeda siinayo guriga uu ku dhex khaarajiyey.

Hadalsame Media