Ruushka oo muddo kaddib markale duqaymo ka bilaabay Kiev & sababta oo uu sheegay + Sawirro

0

(Moscow) 05 Juun 2022 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay inay duqaymo ku burburiyeen taangiyo iyo gawaari kale oo gaashaaman oo marayey duleedka caasimadda Kyiv kuwaas oo ay dalka Ukraine ugu deeqeen dalalka Yurub.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid kaddib markii caasimadda Ukraine ay gilgileen dhowr qarax subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah.

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa isna mar kale uga digey reer Galbeedka in Ruushku uu duqayn doono bartilmaameedyo cusub haddii Maraykanku uu bilaabo inuu Ukraine u keeno gantaalaha riddada dheer ee MLRS iyo HIMARS oo gaari kara gudaha Ruushka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka TASS.

Haddii gantaalaha noocaan ah la keeno, “waxaan duqayn doonnaa bartilmaameedyo aynaan weli garaacin,” ayuu ku gooddiyey Putin oo wareysi siiyay TV-ga qaranka ee Rossiya-1.

Millateriga Ukraine ayaa horeyba u lahaa nidaamyo Sofiyeedkii hore iyo Ruushku naqshadeeyeen sida Grad (PM), Smerch, iyo Uragan oo ay ilaa xad isku nooc yihiin nooca uu Maraykanku ballanqaaday, sida uu sheegay MW Ruushku.

Weriyaha Aljazeera, Zein Basravi, oo kasoo warramaya Kyiv ayaa sheegay in gantaalaha Ruushku ay ku dhaceen xarun wayn oo tareenada laga raaco, islamarkaana lagu dayactiro khadadka tareenada.

Kyiv ayaa todobaadyadii dambe deganayd iyadoo aan duqaymo kala kulmaynin Ruushka.

Nooca Maraykanka ee MLRS iyo HIMARS
Nooca Grad ama PM ee Ruushka/Soofiyeedka
Nooca Smerch ee Ruushka
Nooca Uragan ee Ruushka/Soofiyeedka

Hadalsame Media