Wadaad Maraykan ah oo soo Muslimay oo aad u dhaliilay dhaqamo ay isku dheehayso Ilhaam Cumar (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Juun 2022 – Wadaadka Muslimka ah ee Saajid Lipham ayaa aad u dhaliilay siyaasad guud oo qayb ka ah waxa loo yaqaan ”Woke Culture” oo ah in wax kasta la isla walaaqdo oo aan waxba lakala xeerin.

Dhaqankaas oo haatan si wayn loo gelinayo ra’yul caamka ah bulshada Galbeedka ayaa qaba inuu qofku sheegto wixii uu doono, balse uusan waxba kala soocin, iyadoo uu wadaadku tusaale usoo qaatay in la faafinayo sawirro ay ka muuqdaan gabdho xijaaban oo misna xiran calamada iyo astaamaha kooxaha isku jinsiga ah balse macaamila.

Wuxuu Lipham sheegay in Maraykanku uu leeyahay sharci aan cidna ku khasbaynin inay raacdo ama u ololayso ama doonato koox kale oo dhaqan ama diin kale aaminsan, tusaale, shirkadaha hilibka lo’da qala iidhehdooda lama doonan karaan Hinduuga, sidoo kale, kuwa doofaarku Muslimiinta lama aadi karaan, sidaa darteed, in gabar xijaabi ah ama qof Muslim ah lagu xayaysiiyo arrimaha dadka isku jinsiga ah waa wax khalad ah.

Wuxuuna doodda halkaas kasoo geliyey oo uu sababta ku sheegay wakiillada Muslimiinta sida Ilhaan Cumar oo tan iyo markii ay Xildhibaanadda noqotay isku walaaqaysey waxyaabo badan oo aan is qaadanaynin, marka wax laga eego gabar Muslim ah oo masaajid kasoo ololaysey si loo doorto, islamarkaana ka khudbaysay kulamo ay Muslimiintu lahaayeen oo ay wadaaddo waawayni kasoo qaybgaleen.

Ilhaan Cumar ayuu u sheegay in aysan jirin wax ku dirqinaya arrimahan ay u ololaynayso, taasoo keenaysa in ilmaha yar yar ee Muslimiintu ay arrintan caadi u qaataan, marka ay arkaan gabar Muslimad ah oo xayaysiinaysa ama u ololaynaysa.

”Haddii aan arki lahayn Ilhaan oo khamri cabaysa ama doofaar cunaysa laguma casuumi lahayn mu’tamarrada Muslimiinta, sidaas oo kale waxaa la mid ah inay u ololayso kooxahan.” ayuu yiri Saajid Lipham oo ka digey saamaynta xun ee arrintan, isagoo ku baaqay in Ilaahay la raalligeliyo halkii qof kasta la raalligelin lahaa.

Hadalsame Media