Reer Galbeedka oo jar u degey Ukraine oo aan ogayn & waxa lala damacsan yahay

0

(Hadalsame) 04 Juun 2022 – Xulafada reer Galbeedka ee la ologga ah Kiev – US, UK, iyo EU – ayaa lagu eedeeynayaa inay dhinac u buuseen Ukraine, iyagoo isku deyaya inay diyaariyaan qorshe nabadeed oo dalkaa khuseeya, sida uu CNN werisay Jimcihii.

Sida laga soo xigtey warbaahinta Maraykanka, iyadoo soo xiganeysa “ilo badan oo galaangal u leh wadahadallada,” mas’uuliyiin ka kala socda Washington, London iyo Brussels “ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si joogto ah u kulmayey” iyaga oo isku dayaya in ay la yimaadaan qaab-dhismeed xabbad-joojineed oo macquul ah iyo heshiis nabadeed oo oo ka hirgala Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, CNN ayaa waxay tilmaantay in Kiev lafteedu ay sida muuqata ka maqan tahay wadahadalladan ku saabsan aayaheeda, in kasta oo uu Maamulka Biden uu horay u ballanqaaday inuu u hoggaansamayo mabda’ ku dhisan in aan la geli doonin how ku saabsan “Ukraine iyaga la’aantood”.

Qorshayaasha la sheegay inay ka wada hadleen xulafada Ukraine waxaa ka mid ahaa qaab-dhismeed uu soo jeediyay Talyaanigu dabayaaqadii Maajo, sida uu sheegay CNN.

Qorshahan oo ay ugu horreeyn daaha ka qaadday warbaahinta Talyaaniga, ayaa ka kooban afar (4) qodob oo ku baaqaya xabbad-joojin iyo in ciidamada laga saaro jiidda hore ee Bariga Ukraine, iyadoo Ukraine markaas laga yaabo inay noqoto waddan dhexdhexaad ah oo aan ku jirin NATO (neutral state), oo ah sidii uu Ruushku doonayey.

Wejiga saddexaad waxaa ku jiri doona heshiis la dhex dhigo Moscow iyo Kiev oo ku saabsan aayaha Crimea iyo Donetsk iyo Lugansk oo uu Ruushku jamhuuriyado u aqoonsan yahay, iyo sidii hub ka dhigis loo samayn lahaa hubkana loo xakamayn lahaa.

Waxaase heshiiskan horay u wada diidey Moscow iyo Kiev, iyadoo uu MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky uu aad u qayliyey markii loo sheegay isagoo sheegay inaysan marna ogolaanayn in laga wada hadlo qayb dalkiisa ka mid ah, waloow uusan xusin magaca injineerka qorshahan oo ah Wasiir Dibadeedka Talyaaniga ee Luigi Di Maio.

Wasiir Dibadeedka Ruushka ee Sergey Lavrov told journalists last week that the part of the scheme suggesting making Crimea and Donbass autonomous regions of Ukraine in the long run was totally unacceptable to Moscow.

Ayaa isna usbuucii hore saxafiyiinta u sheegay in qayb ka mid ah qorshaha soo jeedinaya in Crimea iyo Donbass laga dhigo ismaamul goboleedyo ka tirsan Ukraine mustaqbalka fog ay tahay mid aanay Moscow aqbali karin.

Washington ayaa la sheegay in lafteedu aanay u guuxin qorshahan, balse waxaa cad iyo Ruushka iyo reer Galbeedka midkoodna uusan anfacayn soo socoshada dagaalka Ukraine, balse cidda jabtay ee ugu darani waa isla Ukraine.

Dhibka jira waa in Ruushku uusan haatan ogolayn waxyaabo uu ogolaa dagaalka kahor, halka Ukraine aysan qaadan karin in laga goosto 20% dalkeeda ka mid ah tiiyoo ay gashay dagaal ay kasoo kaban doonto boqol sano.

Hadalsame Media