MW hore ”aqbalay” in loo qaaraamo lacag guri loogu dhisayo & su’aalaha qaar oo aan weli laga jawaabin (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 04 Juun 2022 – Waxaa baraha bulshada ka soconaya olole lagu sheegay mid lacag loogu qaaraamayo MW hore ee Somalia, si guri loogu dhiso, iyadoo ay dadku doodo badan ka keeneen arrintan halka ay qaarna taageereen.

Dadka ayaa is waydiinayey su’aalo badan oo ay ka mid yihiin sababta MW iyo RW hore uu ugu baahan yahay inuu yaboohsado lacag guri loogu dhiso, tiiyoo la og yahay in lacago badan qaab musuq ah lagu bixin jirey, sidaa darteed, aan la dhihi karin lacag la’aan ayaa jirta, amaba haddii uu MW hore u baahan yahay in guri loo dhiso uu arrintaa kala hadli karo DF.

Waxaa kale oo la is waydiinayaa oo aan jawaab loo haynin in MW hore uu 30 sano ka badan ka shaqaysanayey Maraykanka, markii uu xil dowladeed hayeyna uu lacago oo musharooyin iyo gunnooyin badan uu siyaabo kala duwan u qaadanayey.

Dadka ayaa sidoo kale soo jeediyey in uu MW hore ee Farmaajo uu arrintan ka hadlo, waxaana haatan dhacday inuu ugu dambayn u hadlo Afhayeenkiisii hore ee Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo sheegay inuu ka mid yahay gudiga ururinaya lacagta lagu dhisayo guriga, isagoo gurigan la dhisayo ku tilmaamay in loola jeedo ”Mahadsanid Madaxwayne” islamarkaana uu MW hore aqbalay, ayaa BBC Somali u waramay.

Cabdirashiid ayaa ka meermeeray inuu ka jawaabo su’aalo ku saabsan in ololahan lacago la lunsaday lagu dhaqayo iyo sababta ay abaaraha ugu gurman la’yihiin halkii ay MW ladan lacago dheeraad ah u siin lahaayeen. Hoos ka dhegeyso…

Hadalsame Media