EU oo cunaqabatayn ka qaaday qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine

0

(Brussels) 02 Juun 2022 – Midowga Yurub ayaa liiska cunaqabataynta ka saaray Wadaadka Kirill, oo ah Madaxa Kaniisada Ortodokska ee Ruushka, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.

Diblomaasiyiinta ayaa la sheegay inay taa mabda’iyan iskugu raaceen si lagaga saaro liiska shakhsiyaadka la cunaqabateeyey, kaddib codsi ka yimid dalka Hungary.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa isna mabda’ ahaan ku heshiiyey horaantii isbuucaan xirmo cunaqabatayneed laxaad leh oo ka dhan ah Ruushka, laakiin dhowr diblomaasi ayaa sheegay in Budapest, oo xiriir wanaagsan la leh Moscow, ay weli gadaal uga dheggan tahay dhamaystirka xirmada.

Hadalsame Media