Turkiga oo daroonka Bayraktar “sadaqo” ahaan u siinaya dal kale & sabab la yaab leh + Sawirro

0

(Ankara) 02 Juun 2022 – Turkiga ayaa sheegay in ay ugu deeqi doonaan Lithuania diyaarad dagaal oo daroon ah si loogu wareejiyo Ukraine, kaddib markii boqolaal Lithuanian ihi ay qaab qaaraan ah u ururiyeen ku dhowaad 6m euro ($ 6.45m) si ay u iibsadaan daroonkan.

Ujeedka dadkan ayaa ahayd inay daroonkan deeto ugu deeqaan dalka Ukraine oo dagaal kula jira Ruushka oo haatan haysta 20% ka mid ah geyiga Ukraine.

Wasaaradda Difaaca ee Lithuania ayaa sheegtay in soo saaraha daroonkan ee Baykar ay dalkaasi keeni doonto diyaarad TB2 ee bilaa duuliyaha ah, taasoo lagu rinjiyeeyey midabbada Calamada Lithuania iyo Ukraine, dhowr toddobaad gudahood, si loogu wareejiyo Ukraine.

Shirkaddan Turkiga ah ayaa maadaama ay diyaaradda deeq ahaan ku bixisay waxay codsatay in lacagta loo ururiyey diyaaradda gargaar ahaan loo siiyo dalka Ukraine.

Hadalsame Media