XOG HOOSE: Maraykanka & Ingiriiska oo cadaadis ku bilaabay dalalka Sweden & Finland

0

(Hadalsame) 02 Juun 2002 – Washinton iyo London ayaa lagu eedeeynayaa in ay hormuud ka yihiin olole lagula cadaadinaayo Sweden iyo Finland in ay aqbalaan dalabaadka uga yimid Turkiga, kaas oo ka hortaagan xubinimada NATO ee labadan dal.

Sheegashadan waxaa sameeyey xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Turkiga oo booqday shir ay NATO ku lahayd Lithuania todobaadkii hore, sida ay sheegtay warbaahinta Turkigu Khamiistii.

Sida ku cad warbixin lagu faafiyey warqaadka Hurriyet, wufuuddii ka socotey Maraykanka iyo UK iyo dhiggooda Sweden iyo Finland u sheegay inay meeleeyaan rabitaanka Ankara, intii lagu jirey kulan 4-maalmood qaatay oo ay iskugu yimaadeen xildhibaanno metelaya dalalka NATO ku jira oo 27-kii Maajo ka bilaabmay Lithuania.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Turkiga oo ka qayb galay shirkan ka dhacday magaalada Vilnius ayaa wargayska u sheegay in wufuud ka kala socotey wadamada kale ee Yurub ay ku tilmaameen dalabka Turkiga mid xaq ah. Waxayna ku andacoodeen in mowqif kaa la mid ah ay qabaan hoggaanka isbahaysigu.

Turkiga ayaa ku hanjabey inuu hor istaagi doono codsiyada Sweden iyo Finland ee ah in laga aqbalo xubinnimada NATO. Ankara waxa ay ku eedaysay labada dal in ay gabaad siiyaan fallaagada Kurdiyiinta ah oo ay “argagixiso” u arkaan ayna khalkhal galiyeen amniga qaranka Turkiga oo ay sidoo kale labadan dal ka mamnuuceen in hub loo dhoofiyo.

Hadalsame Media