Arrin ay Ukraine kula dhaqanto ciidamada shisheeye ee u dagaallama oo la shaaciyey

0

(Hadalsame) 02 Maajo 2022 – Sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Ruushka ayaa ku andacooday in Ukraine ay ciidamada shisheeyaha ah ee ka barbar dagaallama u adeegsanayso qaab ay rasaasta iskaga dhigto dagaalka ay kula jirto Moscow. Dagaalyahannada la sheegayo caadi ahaan ma laha tababar iyo khibrad dagaal, sida uu sheegay Sarreeye Guud Igor Konashenkov.

Waxa uu ku andacoodey in taliyeyaasha Ukraine “aysan u turin shisheeyaha,” iyadoo si loo yareeyo khasaaraha soo gaara ciidamadooda, marka hore la huro iyaga, isaga oo intaa ku daray in “tiro badan” ciidamadan shisheeyaha ihi ay iminka doonayaan inay ka baxaan Ukraine, laakiin “maamulka kyiv uu wax kasta oo suurtagal ah samaynayo si uu ugu diido inay dibedda uga baxaan dalkaasi.”

“Waxaan ognahay in tan iyo bilowgii Maajo, qulqulka calooshood u shaqeystayaasha ajnabiga ah ee Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada qalabka sida ee Ruushku ay gabi ahaanba gabaabsi noqdeen,” ayuu yiri Konashenkov oo ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo la hadlay RT.

Isagoo ka hadlayey kulan kooban, wuxuu ku andacoodey in, marka loo eego xogta Moscow, tirada dagaalyahannada ajnabiga ah ee Ukraine ay hoos uga dhaceen 6,600 iyagoo iminka gaarey ilaa 3,500 oo qura.

Wuxuu sheegay in islamarka ay soo galaan xeryaha ay “Ruushku la eegtaan duqaymo qorshaysan taasoo keenta inay badankoodu dhintaan“ wuxuu kaloo inay dhibaato ba’an ku qabaan khibrad la’aan dagaal darteed.

Hadalsame Media