Fillasuuf caan ah oo 7 sanadood ka fikirayey guur ay gabari usoo bandhigtay (Maxaa qabsaday markii uu go’aan gaarey?!)

0

(Hadalsame) 02 Juun 2022 – Gabar ayaa waxay jeclaatay faylasuufkii weynaa ee Immanuel Kant, waxay saaxiib dhow la aheyd faylasuufka iyadoo marwalba oo ay sheekeysanayaan jecleyd inuu mar uun guur u soo bandhigo..isaguna mowduuc walba ayuu kala sheekeysan jiray marka laga reebo arin guur.

Ugu dambeyn iyadii ayaa is-hayn weyday oo inuu guursado u soo bandhigtay faylasuufka.. Wuxuu yiri: “Waxaad isiisaa waqti aan uga soo fekero.”

Muddo ayuu ka maqnaa oo fekeraayey kaddib ayuu go’aan ku gaaray inuu gabadha guursado.

Gurigii gabadha ayuu soo abbaaray, waxaa albaabka ka furey Aabbaheed wuxuuna aabbihii u sheegay inuu gabdhiisa doonayo.

Aabbihii wuxuu faylasuufkii u dhiibay Warqad wuxuuna ku yiri: waakaas cinwaankeeda ee adigu raadso!

Cinwaankii loo tilmaamay ayuu aaday: wuxuu meeshii ugu tagay iyada oo Laba caruuur ah haysata oo ninkeediina ag fadhiyo..

Waxaa la sheegaa in muddada uu faylasuufku ka fekeraayey inuu gabadhaa guursado inay ahayd 7 sano.

W; Q: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media