Dal Ukraine siinaya gantaalo uu Ruushku horay uga digey in dalkaa la siiyo + Sawirro (Nooca & tiiradooda)

0

(Berlin) 02 Juun 2022 – Jarmanka ayaa waxa uu hub hormarsan u diri doonaa dalka Ukraine, sida uu Arbacadii Baarlamaanka ka sheegay RW dalkaasi ee Olaf Scholz. Hubka ay Dowladd Jarmanku go’aansatay inay dalkaa gaarsiiso waxaa ka mid ah nidaamyada difaaca cirka ee IRIS-T, sida uu yiri. Halkan hoose ka DAAWO…

Gantaalaha ayaa markii hore ahaa kuwo cirka uun laga soo rido oo ay reer Yurub ah ku bedeleen nooca Maraykan-sameega ah ee AIM-9 Sidewinder-ka. Balse waxaa sidoo kale jira nooc dhulka laga gano oo raadaar lagu hagayo oo isna ka tirsan oo la yiraahdo IRIS-T SL. Waxaa ayna leeyihiin laba tiiro oo riddooyinka gaaban iyo midda dhexe iskugu jirta.

Warar soo baxayey bartamihii bishii Maajo ayaa sheegayey in Dowladda Jarmanku ay ka fikirayso in ay agab noocan oo kale ah u dirto Ukraine, iyada oo ilo-wareedyada qaarkood ayba sheegeen in kyiv la gaarsiin karo bisha November.

Scholz wuxuu intaa raaciyey in nidaamyadan difaaca cirku ay yihiin “kuwa ugu casrisan” ee haatan ku jira kaydka Jarmanka ayna “u suurtagelin doonaan Ukraine inay duqaymaha cirka ee Ruushka ka ilaaliso hawada magaalooyinka waawayn oo idil.”

Tijaabada gantaalahan IRIS-T SL ee riddada dhexe ayaa dhammaaday bishii Janaayo. Halkan Sweden oo wax ka samaysa gantaalahan ay nooca riddada gaaban tijaabisey sanadkii 2019-kii.

Ra’iisal Wasaaraha Jarmanka ayaa sidoo kale dhegaha Xildhibaanada ku dhibciyey in Dowladiisu ay bixin doonto raadaarro badan oo ka hortag ah oo ay ku jiraan nidaamyada kasii diga xitaa madaafiicda islamarkaana go’aamiya barta lagasoo ridey, si loogu hoggaamiyo duqayn rogaal celin ah oo aargoosi ah.

RW Scholz ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Jarmanku uu arrintan la kaashan doono Maraykanka si uu nidaamkan gantaalaha badan rida u gu daabulo dalka Ukraine.

Gantaalahan ayaa gaari kara masaafo dhan 30 KM haddii joog loo gano ama ilaa 40km haddii la jiifiyo, waxaana ay gaari karaan gudaha Ruushka haddii laga rido meelo u dhow xadkiisa, iyadoo ay Moscow khad cas ku tilmaantay in Ukraine la siiyo hub gaaraya gudaha Ruushka.

Nooca Maraykanka ee AIM-9 Sidewinder

Hadalsame Media