“Xitaa musharrax noqon maysaan!” – NATO oo runta u sheegtay Sweden & Finland (Shir la madlay & shuruud)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 – Finland iyo Sweden uma badna inay xitaa heer musharraxnimo ka gaaraan Gaashaanbuurta NATO oo shirwaynaha soo socda ee kooxda yeelanaya Juun 28-30 haddii aysan fulin dalabaadka Turkiga, Xoghayaha Guud ee Ururka, Jens Stoltenberg, ayaa sidaa kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta Spain.

Madaxa NATO ayaa qiray oo xoojiyey mowqifka Ankara ee ka dhanka ah aqbalitaanka xubinnimada Sweden iyo Finland ee NATO, wuxuuna ku baaqay in walaaca iyo dalabaadka Turkiga laga wada hadlo lana xalliyo.

Ankara ayaa ka soo horjeesatey ku biiritaanka labadan dal ee Wlqooyiga Yurub ee isbahaysiga millateri ee uu hoggaamiyo Mareykanka, iyadoo sabab uga dhigtay taageerada ay siinayaan wax uu Turkigu u arko ururro argagixiso ah, kuwaas oo kala ah xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo Dhaqdhaqaaqa Gulen (FETO).

Turkiga ayaa ka dalbanaya in labadan dal inay kooxahan ku dabaqaan argagixisannimo oo ay u soo gacan geliyaan dadka xiriirka la leh ururradan.

“Ma jiro waddan ay dhibaato ka soo gaartey weerarrada argagaxisada oo la mid ah Turkiga,” ayuu yiri Stoltenberg, isagoo intaas ku daray “Turkigu waa olog muhiim ah, marka uu dal olog ihi wax ka tabanayo waa in laga wadahadlo oo la xalliyo dhibaatadaas.”

Waxa uu xusay in sidaasi tahay qaabka wax loo maareeyo gudaja NATO, isagoo dib u xusuusiyay in xubinnimada Jamhuuriyadda Woqooyiga Macedonia ay hakad ku jirtey in ka badan 10 sano, sababo la xiriira diidmada qayaxan ee Giriigga, taas oo uu ku sababeeyay walaac la mid ahaa kan Turkiga, arrintaasoo ugu dambayntii la xalliyey.

“Sweden iyo Finland waxay uga qaybgeli karaan shirka NATO ee lagu qabanayo Madrid marti ahaan, laakiin haddii aysan ka jawaabin dalabaadka Turkiga kahor 28-ka Juun, way adkaan doontaa in la fuliyo rabitaankooda ah inay noqdaan waddamo musharraxiin ah” ayuu yiri Stoltenberg, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu doonayo in arritani ay noqoto “mid la dedejiyo” iyo in weli uu jiro waqti ku filan taas.

Hadalsame Media