GAR-QAAD: Maxaa ka run ah Twitter la sheegay inuu qoraal kasoo qaatay CCW? (Dib u eegis aan samaynay)

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 – Waxaa baraha bulshada xalay lagu hafiyey sawirka 2 tweet oo isu eg oo mid uu qoray CCW midna lagu eedeeyey inuu yahay kii uu qoraalka kasoo ergeystey, iyadoo loo sawirayo inuu been yahay warkiisu.

Yeelkeede, waxaan arrintan ku samaynay dabagal, waxaana noosoo baxday sidatan:

Sawirkan uu CCW soo geliyey Facebook isagoo ku muujinaya in waddanka, gaar ahaan gobolka Gedo, abaar darani ka jirto, ayaa waxaa ka dhashay dood ah in sawirku yahay 2021 iyo Itoobiya.

Waxaa taas lagu xoojiyey sawir ay ka muuqato in Twitter laga soo qabtay oo Carabi ku qoran. أحمد الوشلي oo ah ninka magaciisu ku yaal farriinta Twitter, lagama helayo barta Twitter. Waxaa intaa dheer, in qofka wata Axmed Alwashly ee laga helayo halkaas aan Axmed la dhihin oo waxaa u qoran Akram marka ma jiro degel rasmi ah oo Ahmed Alwashly la yiraahdo oo qoraalkaa sameeyey xilliga la sheegayo. Sawirka hoos ka eeg.

Sidoo kale, waxaan wayney war sheegaya in xerada qaxootiga ee Boqolmayo oo ka mid ah 3 xero oo ku taalla Gobolka Liibaan ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya maamusho ay ka dhacday sheeko u dhiganta midda qoraalka ku xusan ee la sheegayo inay dhacday sanadkii tegey.

Ha yeeshee, sawirka sida uu u sheegay CCW waxaa u soo tebiyey Reuters, The Guardian iyo Yahoo News oo kulligood soo xiganaya hal sheeko oo ah gabar joogta Doolow oo dul taagan qabriga mataano walaalaheed ahaa oo baahi u xijaabtey.

Weriyeyaal uu ku jiro Barry Malone iyo website-yo Soomaaliyeed sida Hiiraan, Wardheernews iyo Somjournal ayaa iyaguna u xigtey isla sida CCW u xigtey.

Waxaa intaa dheer, inaysan shaki lahayn in abaar adagi ay waddanka ka jirto oo dad iyo maalba ay ku baaba’ayaan, gaar ahaan gobollo ay Gedo ka mid tahay.

XUKUNKEENNA: Sidaa darteed, waxay u muuqataa in sawirka af Carbeedka ku qorani uu yahay gacan-samays macmal ah oo dadka lagu khiyaanay si loo faafiyo sheeko been abuur ah.

Ilaahay waalidkii ilmahaas dhalay iyo ehelkooda samir iyo beddel khayr ha siiyo, abaartana ha naga dul qaado.

 

W; D: Cabdulqaadir Diiriye & Maxamed Xaaji