Kiiska Johnny Depp & Amber Heard oo kashifay sida haween badani ay iyagoo DHIBE ah DHIBBANAYAAL iskaga dhigaan & laba-wejiilaynta dhedigoodka

0

(Hadalsame) 28 Maajo 2022 – Sunta Dhedigoodka xag-jirka ah. Maxaad kala socotaa kiiska jilaaga caanka ah ee Johnny Depp iyo Amber Heard? Saamayn intee le’eg bay se kiiskan ku leeyihiin dadyowga taageera feminism-ka ee reer Galbeedku?

Marka aynu soo dhaafno qaybaha hore ee is af garan waaga lamanahan xidhiidhkoodu soo bilaabmay 2011-kii soona gaba-gaboobay 2017-kii, kana soo gudubno dhammaan warbixinihii keenay ama sababay burburka guurkooda, waxa aan rabaa inaynu inyar is dul taagno saamaynta xun ee ay dhaqdhaqaaqa dhedigoodka ku yeelatay iyo sida markii lagu eegay diirad indho fiyoow ay xaqiiqadu usoo daahirtay.

Diseembar 2018-kii Amber Heard waxa warbixin ay ku daabacday Majaladda Washignton Post ka mid ahaa ereyo u dhignaa sidan: “Waxa aan ahay dhibnane la kulmay cunfi iyo hagardaamo qoys (domestic abuse)”.

Islamarkiiba taasi waxa ay soo jiidatey dadka u ololeey mashruuca dhedigoodka ama feminism-ka oo aalaaba caan ku ah inay difaacan gabadhu haddii ay saxsan tahay iyo hadii ay khaldan tahay, si ka duwan doodohooda ay ku sheegtaan inay yihiin cadaalad doon.

Taasina waxa ay sabab u noqotay bilowga dagaal ba’an oo lagu qaaday johnny depp kaas oo aakhirkii keensaday in laga saaro gabi ahaanba filinkiisii taxanaba ahaa ee ‘Pirates of the Caribbean’ islamarkaana lagala noqdo ganacsi-faneedyo badan oo uu shuraako (partnership) la ahaa.

Waxa kale oo xusid mudan in Johnny Depp uu la kacaa kufay eedeymahaas ay usoo jeedisay xaaskiisii hore islamarkaana loogu bixiyey magacyo badan oo uu ka mid yihiin ‘dilaa dumar’.

Sida xikmada Ilaahay tahay beentu ma laha jirido adag oo sii haya’e kiiskii Depp iyo Heard dib ayaa uu u furmay kaddib cadaymo badan oo la helay.

Arinta cajiibka ihi waxa ay ahayd in markii cadaymihii la baadhay uu Johnny noqday DHIBANAHA dhabta ah ee kiiskan, Amber na tahay DHIBAHA sababta u ah dhib kasta oo dhacday sida ay sheegayaan warbixinaha lagu soo bandhigay dacwadda iminka socota.

Ugu dambayn kiiskan ka caanka ah daafaha dunida oo dhan ee marar badana laga furay maxkamado badan oo ku yaalla waddanka Maraykanku waxa uu dunida baray islamarkaana hoos u dhigay kalsoonidii lagu qabay dadyowga u ololeeya dheddigoodka (feminism), maadaama oo hal ku dhigoodu noqday mid u ekaaday “u hiilli dumarka marka ay saxsan yihiin iyo marka ay khaldan yihiinba.”

Caqliga saliimaka ah (common sense) iyo diinteennuba waxa ay ina farayaan in aynu wax hubsanno, marka aynu wax taageeraynana iska hubsanno.

W; D: Maxamed Axmed

Hadalsame Media