Dembi baarista Masar oo go’aan lama filaan ah ka gaartey gabadhii Soomaaliyeed ee Masar ninka ku dishey

0

(Hadalsame) 27 Maajo 2022 – Maanta waxaa Dembi Baarista Masar sii deysey gabar Soomaali ah oo 15 jir ah oo dishay nin bajaajle ahaa oo damcay inuu kufsado. Halkan ka akhri…

Waddo khaldan oo cidla ah ayuu ku leexiyay oo mindi ula soo baxay. Way carartay. Wuu cayrsaday oo ku dul dhacay. Mindidii ayay kula dhegtay oo ka faramaroojisay oo isagii ku dishay. Iyadaa u tagtay booliiska oo u sheegtay.

Maalmo baaris ah oo dhakhaatiir iyo dembi baarayaal iskaashadeen waxaa lagu go’aamiyay inay xaq ku taagnayd waana la sii daayey.

Shacabka Masar ayaa si buuxda ugu taageeray farriimaha ay ku qorayaan bogga Dembi Baarista ee Facebook. Farriintan hoose ayaa i soo jiidatay:

“Waxaa gabadhaas dhalay awoowayaal sharaf leh, waxayna mudan tahay in gabdhaha oo dhan ku daydaan. Sida ka muuqata qoraalka Hay’adda Dembibaarista, waxay ahayd gabar dhawrsoon oo aan ceeb lahayn keligeed ayayna ninkaas iska celisay iyadoo da’ yar isaguna hubaysanaa ilaa ay ku sigatay in faraheedii ku googo’aan mindidii ay kula dhegtay. Isma ay dhiibin. Waa sharafta heerkii ugu sarraysey.

Salaan iga hoo gabaryahay. Waalidkii ku rabbaayadeeyeyna salaan ha iga guddoomaan. Salaanna ha guddoomaan ragga dembi baarista ee hawshaan dhammaystiray.”

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media