Ukraine oo markii ugu horreeysey guuldarro qara wayn qiratay (Daawo)

0

(Kyiv) 26 Maajo 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa la wareegey magaalada Liman ee woqooyiga gobolka Donetsk, sida ay qiratay Dowladda Kiev fiidnimadii Khamiistii. Ciidamada Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxeen galbeedka iyo koonfur-galbeed iyagoo ku wajahan Slavyansk.

“Waxaan luminnay magaalada Liman,” Alexey Arestovich, oo ah La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky, ayaa sidaas ku sheegay muuqaal toos ah oo uu dadka kula hadlayey.

Weriyaha millateriga Ruushka Alexander Kots ayaa wax yar kaddib soo bandhigay muuqaal muujinaya Ciidamada Ruushka ee magaalada, ciwaankiisuna yahay “Liman annagaa leh” halka Ciidamada Ukraine “waxay ku baxsadeen” dhanka galbeed iyo koonfur-galbeed, ayuu Kots ku daray, iyagoo sheegay inay baqa dirireen oo isku dab-xireen madaafiicda goobta.

Duullaanka Liman ayaa qaatay wax ka yar toddobaad, iyadoo ciidamada Ruushku ay gudaha u galeen magaalada 23-kii Maajo, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in 500 oo askari oo Ukraine ah ay isa soo dhiibeen. Arbacadii, saddex meelood meel Liman waxaa la sheegay inay hoos imanaysey Ruushka, iyadoo inta soo hartay ciidamada Ukraine la sheegay inay adkaynayeen difaaca aagga wershadaha ee cirifka koonfur-galbeed ee magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, muuqaal aan la xaqiijin oo la soo geliyey TikTok Arbacadii ayaa muujinaya koox askarta Ukraine ah oo ku dheggan baabuur gaashaaman oo si xawli ah uga socdey magaalada, iyadoo ay socotay duqayn culus oo madaafiic ah.

Liman ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu horreeyey ee gobolka Donetsk ee ay la wareegeen maleeshiyaad ka soo horjeeda Dowladda Kiev kaddib afgembigii 2014-kii ee Ukraine looga eryey MW Ruushka la hayey.

Warka ku saabsan jabka Ukraine ee Liman ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan horusocod ay samaynayaan Ciidammada Ruushka ee ka yimid Popasnaya, kuwaasoo halis ku haya inay gebi ahaanba go’doomiyaan kumannaan ciidammada daacadda u ah Kiev ee ku jira meel u dhaxaysa Severodonetsk-Lisichansk.

Hadalsame Media