Sucuudiga oo qaaday tillaabo naadir ah oo aan abid horay u dhicin

0

(Riyaad) 22 Maajo 2022 – Shirkadda Diyaaradaha ee Flyadeal ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday duulimaadkii ugu horreeyay ee maxalli ah oo ay ka wada shaqaynayaan soortooyin gabdho ah oo u badan Sacuudi.

Ku dhawaaqista ayaa lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee @flyadeal Jimcihii: “Markii ugu horreeysay taariikhda duulista Sucuudiga! #flyadeal waxa ay duulimadkii ugu horreeyay ku samaysay shaqaale wada dumar ah, kuwaas oo intooda badani ay u dhasheen Sucuudiga diyaarada cusub ee A320. Duulimaadka 117, waxay ka duushay #Riyaad kuna socotey #Jiddah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Duulimaadka 117, oo ay la socdeen 7 shaqaale ah, ayaa waxaa duulinaysey Yara Jan, 23-jir, oo sidoo kale ah haweeneydii ugu da’da yarayd ee duuliye ka noqota Sacuudiga.

Jan ayaa u sheegtay Arab News in ay aad ugu han wayntahay in ay qayb noqoto waqtigan taariikhiga ah ee duulista haweenka Sucuudiga. “Anigoo ah haweeney Sacuudiyaan ah inaan dalkayga ku hoggaamiyo tallaabo sharaf leh waxay ii tahay farxad.” ayay tiri.

Jan ayaa waxay ka qalin jebisey dugsiga duulimaadyada ee Florida, Maraykanka, 2019, iyadoo sanad kahor ku biirtay Flyadeal.

Tirada dumarka duuliyeyaasha ah ee Sucuudiga ayaa beryahan kor u kacday. Saddex magac ayaana soo baxay: Hanadi Zakaria Al-Hindi, oo ah haweeneydii ugu horreeysey ee duuliye ka noqota dayuurad sidata shati ganacsi oo Sucuudi ah; Rawia Al-Rifi oo ah tii ugu horreeysey ee duulimaad caalami ah ku duulisa Airbus A320; iyo kaaliyihii duuliye Yaasmiin Al-Maimani, oo ahayd haweeneydii ugu horreeysey ee duuliye ka noqota diyaarad ganacsi gudaha Boqortooyada Sacuudiga.

Hadalsame Media