MW Farmaajo oo lagu dhiirrigeliyey inuusan aqbalin qorshe ay wadaan taageerayaashiisu (3 qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2022 – Madaxwaynihii hore Mudane Farmaajo ee ummadda soo hoggaamiyey ayaanu qaadhaan u ururinaynaa si guri loogu dhiso, isaguna umalay maayo in uu ogolaanayo, taageerayaasha xagjirka ahina yaanay madaxwaynaha ceebayn.

Madaxwaynuhu wuxuu u noolaan doonaa si sharaf leh, ama guri kiro ah haku noolaado ama mid uu hanti u yeeshee, dastuurka ayaana u ballan qaaday.

Qorshahan qaadhaan ururintu wuxuu ku habboon yahay xilliga doorashada iyo ololaynta in la ururiyo, waxaase Ra’yul caamku sheegayaa in ay adag tahay Farmaajo in uu mar kale dalka xukumo, sababtoo ah Ilaahay sadex qodob ayuu isugu daray oo uu maarayn kari waayey.

1. Taageero shacab

2. Xukun iyo Awood.

3. Dhaqaalihii oo xukuumadduu hoggaaminayey ay ahayd tii ugu miisaaniyada iyo taageerada badnayd.

Waxaase ka maqnayd xinkadii iyo xikmadii waxaas oo dhan lagu maarayn lahaa, sadexda qodob ee hore waa nasiib iyo fursada iyo qofkoo diyaar ah oo isku beegma iyo qadarta oo samada ka qoran, laakiin xikmada iyo xinkada lagu mareeyo hawlahaa nasiibka ku yimaada waa arrimo rabbaaniya oo ilaahay si gaara u bixiyo.

Ragga dhallinyaro u badan oo aan waayo arag ahayn ilaa maanta guulwadeynaya layskuma hareereeyeen, hadda in ay xilal qabtaan sharciga iyo wadaniyada ayaa u ogol, laakiin in ay bidaana saalixa noqdaan halkaa may gaadhin.

Madaxweyne Farmaajo Ilaahay hawlaha hawfududeeyo, guul iyo sharaf iyo karaamo ayaan u rajeynaynaa, xukunkiisiina soo aragnay ilaahay ha xafido,NN laacib cusub ha soo xulato oo uga qayb gala tartanka 2026, oo aan ka dhex muuqan kooxdii xilka dhiibtay, waxaase xaqiiqo ah NN in ay yihiin bulsho aan la dhayal san karin, oo xoog badan, una baahan in ay ku dhex jiraan oo hoggaamiyaan dad xikmad u saaxiiba oo xakameeya, toosiyana.

W; Q: Asad Cadaani Ibraahim

Hadalsame Media