Xasan Sheekh oo shalay iska ilaaliyey inuu galo khalad dhinaca maamuuska ah oo uu MW Farmaajo horay u sameeyey (Arag yaabkan)

0

(Muqdisho) 18 Maajo 2022 – Waxaa shalaytoole Madaxtooyada Villa Somalia ka dhacay kulan uu MW Farmaajo oo xilka ka degaya uu kusoo dhowaynayey MW xiga ee Xasan Sh oo ahaa midkii uu Villa-da kala wareegey, si looga wada hadlo xil wareejinta.

Yeelkeede, waxaa jira farqi u dhexeeya sida ay labada madaxwayne u kala qoreen sida uu midba kan kale ee uu ka guulaystey u arko.

Tusaale, sida aad qoraalkooda ka aragtaan Xasan waxaa uu qoray inuu weli Farmaajo yahay madaxwaynaha rasmiga ah maadaama aanu weli xilka la wareegin.

Ha yeeshee, markii uu MW Farmaajo booskaa oo kale joogey wuxuu Xasan Sh ku tilmaamay “madaxwaynihii hore”, taasoo maamuus ahaan iyo farsamo ahaanba khalad ah, maadaama uu xilligaa ahaa MW dooran uun.

Hadalsame Media