Dal soo jeediyey in gebi ahaanba la joojiyo wicitaanka MW Ruushka ee Vladimir Putin + Ujeedka

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Ra”iisel Wasaaraha Estoniya, Kaja Kalas, ayaa ku boorisay hoggaamiyaasha adduunka inay joojiyaan wacitaanka Vladimir Putin, iyadoo sheegtay in dareen siintaa caalamku uu ka hor istaagayo Madaxweynaha Ruushka inuu si sax ah u dareemo “go’doonsanaantiisa.”

Wareysi ay siisay EURACTIV Isniintii, Kallas waxa ay soo jeedisey in, iyada oo uu wadi weerarka miateri ee Moscow ee ka socda Ukraine, uu Putin misna “dareemayo inuu yahay xudunta dareenka sababtoo ah qof kastaa wuxuu rabaa inuu la hadlo Putin.”

“Waxaan dareemayaa in haddii qof walba uu si joogto ah u soo waco, uusan helayn farriinta ah inuu go’doon yahay. Markaa haddii aan rabno in aan farriinta ah inaan dareensiinno inuu dhab ahaantii ‘go’doon yahay,’ yaan la wicin isaga – ma jirto wax macno ah oo taa ku jiree, “ayay raacisay R’iisul Wasaaruhu.

Waxay intaas ku dartay in wada-hadalladan taleefannada ihi aysan waligood wax miro ah dhalin.

“Ma arko wax natiijo ah, sababtoo ah wadahadalladan oo dhan kaddib, Bucha ayaa dhacday, Irpin ayaa dhacday – ma aragno wax calaamado ah oo hoos u dhac ah,” ayay raacisay, iyada oo tixraacaysa dembiyada dagaal ee ay reer Galbeedku ku eedeeyeen Ruushka, taasoo Moscow ay si adag u beenisey.

Mar la weydiiyay haddii kanaallada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Galbeedka iyo Ruushka ay tahay inay furnaadaan, Kalas waxay ku celisay inaysan “wax micne leh u arag” in lala hadlo Putin.

Dhanka kale, si kastaba ma jiraan hoggaamiyeyaal badan oo reer Galbeed ah oo u muuqda inay sii wadaan wadahadal toos ah oo lala yeesho hogaamiyaha Ruushka tan iyo markii uu bilaabay weerarka dalka deriska la ah.

Earlier this month, the Russian president talked to his Finnish counterpart, Sauli Niinisto and German Chancellor Olaf Scholz. In late April, UN Secretary General Antonio Guterres visited Moscow and Kiev in a bid to de-escalate the situation.

Labadii bilood iyo barkii la soo dhaafay, Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa waxa uu ahaa qofka ugu badan ee Putin la sheekaysta, iyada oo qaar ka mid ah sheekadooda taleefoonku ay mararka qaar socotay in ka badan laba saacadood.

Horraantii bishaan, Madaxwaynaha Ruushku wuxuu la hadlay dhiggiisa Finland, Sauli Niinisto iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmanka ee Olaf Scholz.

Halka dabayaaqadii bishii Abriil, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Antonio Guterres uu booqday Moscow iyo Kiev si uu xaaladda u dejiyo, balse waxba isma bedelin, si kastaba.

Hadalsame Media